crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sucuudiga oo sannadkan qorsheynaya in Xajku noqdo mid deegaan-la-jaal ah ‘eco-friendly’. | HimiloNetwork

Sucuudiga oo sannadkan qorsheynaya in Xajku noqdo mid deegaan-la-jaal ah ‘eco-friendly’.

MUQDISHO (HN) — Xilli boqollaal kun oo Muslimiin ah ay kusii jeedaan gudashada Xajka, Sucuudiga ayaa dadaal ugu jira inuu soo dhawayn deegaan la-jaal ah u sameeyo xujeyda si loo dhimo isticmaalka faraha badan ee walxaha mar kaliya la deegsado.

“Majiro sahay lagu cuno oo xujeyda horay usoo qaataan mana laga oggola gudaha Xaramka iyo dabcan si guud labada magaalo in lala yimado cunnooyin dibadda laga soo qaatay iyo walxaha kale ee la iska xoori karo marka la naco kuwaas oo dhib ku ah bedqabka deegaanka,” ayuu yiri Khalid oo kamid ah dadka hagaya xujeyda.

“Marka waxaan sannadkan rajaynaynaa in xajku noqdo mid ka nadiif ah wasaqeyn iyo qashin intaba.”

Gudaha teendhooyinka waxaa aalaaba ka shaqeeya shaqaalo nadaafadeed oo heegan ah, Islaamkuna meel sare ayuu dhigay nadaafadda iyo bilicda deegaanka iyo tan dadkaba. Shanta maalin ee xajka acmaashiisu socotana, waxaa sida caadada ah la isticmaala cunnooyin fara badan oo baakado ku jira. Waxaa gabagabada maalinta ugu dambeysa la arkaa teendhooyinka oo ay wali kusii dambeeyaan qashinka iyo walxihii la nacay ee ka haray agabyadii la isticmaalayay.

Sidaas darteed sannadkan, maadaama uu yahay kii koowaad taniyo xayiraadii Covid-19, waxaa qorshuhu yahay in sidii hore wax laga beddelo.

“Waxaan teendhooyinka iyo meelaha kale oo xujeyda ku kulanto ku diyaarinay konteeranno deegaan la-jaal ah oo lagu qubo qashinka,” ayuu yiri Khalid.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!