crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Muslimkii – si uu u xejiyo – lug uga soo tagay London kuna yimid Makka. | HimiloNetwork

La kulan – Muslimkii – si uu u xejiyo – lug uga soo tagay London kuna yimid Makka.

MUQDISHO (HN) — Muslim u dhashay dalka Britain ayaa safar lug ah oo uu kaga soo dhaqaaqay London wuxuu toddobaadkan ku yimid magaalada barakaysan ee Makka – isaga oo ku biiraya kumaankunka xujeyda ah ee sannadkan u diyaargaroobaya gudashada Xajka iyo Cumrada.

Adam Muhammed wuxuu safarkiisa kasoo bilaabay Wolverhampton oo ah halka uu ku nool yahay taariikhdu markii ay ahayd August, 1, 2021.

Toban bilood kaddib, muuqaal muujinaya isaga oo jooga Makka ayaa aad u qabsaday baraha bulshada madaama uu yoolkii bartilmaameedkiisu ahaa uu soo gaaray, sida laga soo xigtay Peninsula Qatar.

Isaga oo riixaya gaari culeyskiisu dhan yahay 250kg oo uu ku rakiban yahay codbaahiye, Adam wuxuu sheegay inuu baahinayo farriinta aas-aaska u ah Islaamka oo ah jaceyl, nabad iyo sinnaan.

Wuxuu socdaalkiisii dheeraa ugu magac-daray safarkii nabadda. Wuxuu soo maray dalalka Turkiga, Lubnaan, Jordan iyo kuwa Yurub kamid ah kahor intaanu soo gaarin Sucuudiga.

Ma ahan Muslimka kaliya ee Sucuudiga ku yimaada lug ama baaskiil isaga oo raba inuu xajiyo. Waxaa jira dhowr walaalo Muslimiin ah oo sida Adam usoo galay safarkan oo kale kuwaas oo si nabad ah ku yimid Makka.

Alxamdullilah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!