crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baalashley: Da’yar–Raran iyo Rajo u dhaxeysa. | HimiloNetwork

Baalashley: Da’yar–Raran iyo Rajo u dhaxeysa.

Raran iyo Rubad-
Muqdisho (Himilonews) – Kolka uu Jiisow Caseeye subax kasta usoo ban-baxo inuu ku shaqeysto xirfadiisa, wuxuu ku warwaraa inta shilin ee jeebkiisa dhib-yari ugu dhici doonta. Wuxuu aroorta kasta—isaga oo wata daasad ay ku jiraan buraashyo, luujito, tirtire, cirbad, dun iyo wixii la halmaala—kasoo jarmaadaa gurigiisa. Maalin waxoogaa ayuu dhuunta u diraa: inna reerkiisa dhigaal uga dhigaa. Halka maalinta kalana baqoolka cadceedu ay ku dul galabaysato siduu ugu wirwirayo—deedna isaga oo gacan maran hoygiisa isaga hoydaa. Jiisow Caseeye, isaga ahaan, tani waa howl uu ku qanacsan yahay tabaalaheeda. Kaligiisna ma ahan.
Waxaa jira boqollaal dhalin-yaro Soomaliyeed ah oo xirfadda baalashnimada ku shaqeysta kuwaas oo nolol maalmeedka reerahooda ka raadiya. Joogista dal, sida Soomaaliya, oo dadkiisu dagaag iyo dacdaro kula nool yihiin gudihiisa, nolosha xirfadle da’yar waa waayo tiir adag ku xiran. Balse baalashleyda dalkooda muddo ka shaqeysanayay waxay isu arkaan dad fursado shaqeed ku hal-abuurtay dhulka ay u dhasheen.
“Waxaan ku shaqeystaa xoogayga iyo xoolahayga,” ayuu yiri Jiisow Caseeye oo 19-jir ah kaas oo markii uu Muqdisho la yimid reerkiisa shaqada baalashnimada ku howl-galay. “Tani waxay kamid tahay fursadaha shaqo ee qof kasta uu yaraan ku heli karo,” ayuu sii raaciyay.
Sidashada daasadiisa hab dhiifooni iyo dhaq-dhaqaaq leh, Jiisow wuxuu sheegay in dadka uu badi u adeego ay kula dhaqmaan hanaan iyo habbooni. Balse wuxuu si adag u qiray inay jiraan dhibaatooyin uu inta badan kala kulmo dad uu ku sheegay abaal-dhacyaal aan ka mahad-naqin xooggiisa. Balan-furka iyo gunno iska bixintu waa dhibaatooyinka ugu waaweyn ee baalashley uu Jiisow kamid yahay ay sida dhif-dhifka ah ugala kulmaan bulshadooda. “Waxaan u dhaxeynaa macaamil iyo gorgortan,” ayuu ku sharaxay Jiisow oo intaas kusii daray in—qaar ku balan-furaan oo wixii wax ka yar usoo taagaan—kuwana ay gebi ahaanba iska diidaan bixinteeda. Balse wali jiraalka dhibaatooyin kuwan lamid ah, howsha baalashiddu waa mid ay xirfadlayaasheedu ku hal-adag yihiin ku hoos-shaqeynta caqabadaheeda.
Usoo galbashada gurigiisa fiidka hore, Jiisow waxaa guriga ku suga hooyadiis, walaaladiis iyo awowgiis oo gabow ah kuwaas oo xooggiisa quuta. Mar kasta oo uu ilinka guriga isa-soo taago, waxaa gacaltooyo iyo guri-samo ku nabdaadiya reerkiisa—taas oo sida uu sheegay—dhiirri-gelin u noqotay hal-tiirinta xirfadiisa. “Way adag tahay inaad hurdo gama’do adiga oo maanka ku haya in xooggaadu uu quud u yahay dadkaada,” ayuu yiri Jiisow oo tilmaamay in toddobaadkii oo dhan uu shaqeeyo si uu baahida reerka u haqab-tiro. Wuxuuse ifafaalo wacan ka muujiyay inuu mar un hurdo uu ka wabxo ladi doono, reekiisuna ay wax ka dheer dhuuni ku taami doonaan. Haddase wali majirto duhur uu gurigiisa hariimo kula qaatay reerkiisa.
Soomaalida qaar ayaa baalashleyda u arka xirfadley ka hooseysa xirfadlayaal badan oo aan mudnaan goonni ah ku lahayn Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed. Waxayna baalashnimadu uga dhigan tahay xirfad tilmaamaysa liidnaan ku gaaroobid. Hayeeshe, marka loo eego doorka baalashleyda, waxaa muuqata inay yihiin xirfadley aan laga maarmin, hadana loola dhaqmo sida kuwa laga maarmo.
Rajo iyo Riyooyin-
Tiiyoo tabaaluhu uu xakame adag ku taxaabay nolosha danyar badan, hadana baahidoodu ma ahan mid qeyla-dhaan iyo baaq gurmadeed gaarsiisan. Waalidiinta danyarta ah ee wiilashooda u dira inay usoo shaqeeyaan, waxay ku warwaraan wax ka weyn xooggooda oo ah inay ilmahoodu noqdaan kuwa wax barta oo dad iyo dalba anfaca. “Dadku waxay moodayaan inay danyartu han iyo yididiilo lahayn,” ayay tiri Xareedo oo ah hooyada ku curatay Jiisow. “Waa run. Way jiraan xaalado adag. Hadana, waxaynu leenahay himilooyin fiifiican,” ayay sii raacisay iyada oo ku naalootay inay si dharag-leh uga haqabeeshay xoogga wiilkeeda.
Dal dowladiisu xaalado kala duwan oo jah-wareer siyaasadeed ah uu shullaha ka dabray, danyar badan caruurtoodu waxay u yihiin xoogga qura ee ay ku nool yihiin. Caruurta danyarta ayaa ah kuwa buuxiyay booska ay dowladnimadu tahli waysay haqab-tirkiisa. Is-barbardhiga walaac ee beer-waalid iyo baahi hooyo, caruurta danyartu waxay bareer ugu baxaan baaxadda halis kasta oo ku jirta xirfadooda. Waana baalashnimada mid kamid ah xirfadaha uu Jiisow reerkiisa quudka uga raadiyo.
Ka gaarista baalshnimada heer sarreeya waa arin fudud. Hayeeshe, baalashle kasta ma doonayo inuu xirfadan noloshiisa oo dhan u hibeeyo, hadana, qaar badan, timaadada berito, wax buuran meel uma sii dhigtaan—aragti ku dhisan dhismaha beritana, badigood xisaabta uguma jirto. Dabcan, raranka kulul ee ay ku dul-shaqeynayaan ayaa rubaddii hamoon lahayd ruuxdeedii daaliyay.
Balse baalashleydu waxay leeyihiin hadaf isku dhigan—taas oo ah inay ku shaqeystaan xooggooda—reerkoodana ku filnaadaan. Hayeeshe, isku aragti iyo yool gebigood ma wada ahan. Guuleed Qurac, oo hadda ku jira heerka hoose ee dugsiga, wuxuu sheegay inuu waligiisba jeclaa inuu noqdo wax-yaqaan bunni ah. “Kolkii aan shaqada baalashnimada bilaabay waxaan wali ogaaday inaan u baahanahay inaan wax-barto,” ayuu yiri Qurac oo 17-jir agoon ah, kaas oo hooyadiis xoog iyo xoolaba u ah. “Hubaalna ma doonayn inay xirfadeydu iga hor-joogsato himiladayda,” ayuu sii raaciyay.
Kusii dhiirra-shada shaqadiisa iyo ku hal-adaygista hankiisa dheer, Qurac, wuxuu tilmaamay inuu yoolkiisu ahaa socodsiiyaha turxaan bixiyay mihnadiisa shaqo iyo madhaafaanka waxbarashadiisa.
Si kastaba, wax ka dheer xurmo bulsho ayay xirfadleyda da’yarta ah u baahan yihiin oo ah waxbarasho iyo wax-dheef shidaal u noqda qaban-qaabadooda berito. In kalkooda laga kaalmeeyo u fududeynta ilaha kaabi kara timaadadooda berito, baalashley badan waxay rumaysan yihiin inay door muuqda ku yeelan karaan mustaqbalka dal iyo dad ahaaneed ee Soomaaliya.
“Marka aan arko wiil asaagay ah oo jaamacad u socda, waxaa hankayga dhaqaajiya buseel ku qotoma inaan heer jaamacadeed gaaro,” ayuu yiri Qurac oo lasoo baxaya buugag uu habeenkii Priveti ku yaalla xaafadiisa ku dhigto.
“Mustaqbalka waxaan jeclahay inaan noqdo aqoon-yahan culuumta deegaanka iyo bulshada ku xeel-dheer.”
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!