crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wadaad Afadiisa ku furaya nadaafad-darro iyo caajis! | HimiloNetwork

Wadaad Afadiisa ku furaya nadaafad-darro iyo caajis!

Muqdisho – Raadatada Wadaad baadari ah ayaa la yaabay inuu kiis furriin ka gudbiyay afadiisa.
Baadariga 38-jirka ah oo lagu magacaabo Adedayo Adeyemo  ayaa u shegay maxkamadda inuusan wax badan sii qabi karin xaaskiisa maadaama aysan ogoleyn hagaajinta iyo howlaha guriga.
Adeyemo wuxuu baadari ka yahay kaniisadda Joint Heir Assembly.
Labaduba waxay isku dhaleen laba carruur ah oo shan jir iyo sagaal jir kala ah.
Wuxuu maxkamadda kahor sheegay in afadiisu ay ka gacan-taagtay qabashada howlaha guriga sida xaaqista, karinta cunnada iyo nadaafadda guud.
Wuxuu sheegay inuu u baahan yahay carruurta in cunno la siiyo haddii kale waxay sariirta tagayaa iyaga oo gaajoon.
Xubnaha katirsa kaniisaddiisa ayaa la yaaban sida baadarigani kaga cabanayo caajisnimada afadiisa.
Kemi waxay ahayd mid aamusan intii dacwada ay socotay.
Garsooraha maxkamadda ayaa lamaanaha siiyay waqti ay kusoo xaliyaan madmadowga ka dhex jira.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!