crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney qalqal gelisay rakaab diyaarad markii loo diiday inay sigaar ku dhex cabto. | HimiloNetwork

Haweeney qalqal gelisay rakaab diyaarad markii loo diiday inay sigaar ku dhex cabto.

Muqdisho – Haweeney ayaa mada wareer ku dhacay markii loo diiday in sigaar ku dhex nuugto gudaha musqul diyaaradeed xilli ay duullimaad ku jirtay, marka loo eego booliska California.
Booliska Sacramento ayaa sheegay inay xireen 24-jir lagu magacaabo Valerie Curbelo taas oo dil ugu hanjabtay rakaabkii la saarnaa diyaaradda iyo shaqaalaha.
Curbelo waxaa lagu qaaday danbi ah carqaladeynta deganaata rakaabka.
Waxaa kiiskeeda la geeyey maxkamadda Sacramento, waxaana la faray inay bixiso ganaan dha $75,000.
Marka loo eego baaritaanka booliska, falkani wuxuu dhacay maalintii Axadda markii duulimaadka diyaaradda uu kasoo kicitimay Oregon.
Waxaana saarnaa 136 rakaab iyo shan shaqaale.
Curbelo ayaa u baxday dhinaca suuliga, waxayna daaratay sigaar kahor inta aysan bilaabin nuugidda.
Markii rakaabku dareemay urta sigaarta, waxay uga cawdeen shaqaalaha.
Shaqaaluhu waxay areen Curbelo inay ku laabato fadhigeeda sigaarkana baqtiijiso.
Waana markii ay carada xoogan isla madax martay.
Curbelo waxay codsatay in loo idmo dhameysiga sigaar nuugisteeda. Waase lagu gacan-seyray.
“Haddii aadan ii idmina inaan sigaarka cabo dhammaantiin waa idin dili doonaa,” ayay tiri.
Waxayna bilowday in qaar kamid ah shaqaalaha diyaaradda ay weerarto.
Ugu dabeyntii, waxaa loo dhigay garba-duub ilaa diyaaraddu ay dhulka ka caga-dhigatay.
Booliska ayaa si kastaba ku sugayay garoonka diyaaradaha si ay u xiraan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!