crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaamacadda California oo soo kordhinaysa Cunnooyinka ‘Xalaasha’ ah. | HimiloNetwork

Jaamacadda California oo soo kordhinaysa Cunnooyinka ‘Xalaasha’ ah.

USA (Himilonetwork) – Ka arday ahaan dhigta Jaamacadda University of California ee  Santa Cruz, Musa Dajani waxaa ku adkaan jirtay inuu helo meel uu ka doonto cunno xalaal ah.
Hayeeshe sannadkan ma ahan sidii hore. Wuxuu heli karaa cunno xalaal ah oo loogu diyaariyay kambaska Jaamacadda.
Tani waa dadaal muddo dheer soo socday oo ardayda Jaamacadda ee Muslimiinta ah ku doonayeen in loo sameeyo goobo ay ka cunaan cunnooyin xalaal ah.
Marka loo eego Salaam Global Islamic Economic Gateway, Jaamacadaha kala ah Columbia, Boston University, the University of Houston, Texas, Stanford iyo University of California ee Los Angles ayaa kamid ah xarumaha oggolaaday inay bixiyaan cunnooyin xalaal ah.
Dajani hadda wuxuu ku faraxsan yahay inuu heli karo goob kasta oo goobahan kamid ah si uu cunno xalaal ah uga soo qaato.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!