crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Eygii Sugaalka ugu jiray Saaxiibkiisa aan usoo noqon doonin! | HimiloNetwork

Eygii Sugaalka ugu jiray Saaxiibkiisa aan usoo noqon doonin!

Brazil (Himilonetwork) – Sheekada Ey aan magaciisa la sheegin kaas oo muddo afar bilood ah ku gaaf-wareegayay bannaanka hore ee isbitaal uu ku geeriyootay saaxiibkiisii soo korsaday ayaa qabsatay war-fidiyeenka adduunka.
Eyga waxaa markii ugu horreysay lagu arkay isbitaalka Santa Casa de Novo Horizonte ee Sao Paolo isla habeenkii anbalaasta lagu keenay ninkii lahaa oo 59 jir dib-jirnimo kusoo koray kaas oo lagu tooryeeyey waddo kamid ah magaalada Sao Paolo.
Eyga ayaa kasoo daba-orday anbalaasta ilaa uu la yimid isbitaalka, wuxuuna si dulqaad leh ugu sugay bannaanka hore ee isbitaalka si uu saaxiibkiisa ula noqdo.
Ninka ayaa u dhintay dhaawaca soo gaaray awgeed, hayeeshe Eygiisu xogtan murugada leh wali looma sheegin! Sidaas awgeed, wuxuu ogaal la’aan ku sugnaa bannaanka hore ee isbitaalka si uu ula tago saaxiibkiisa marka uu soo baxo.
Markii sheekadiisa la maqlay dadka ayaa ugu deeqday buste uu ku jiifsado iyo cunno uu ku noolaado. Afartii bilood ee lasoo dhaafay, Eygan wali iskuma dayin inuu gudaha u galo isbitaalka, xittaa in kasta oo albaabadiisu furnaayeen waqti walba.
Wuxuu doorbiday inuu si degan ugu sugo ilinka hore ee isbitaalka.
“Waa laga fahmi karaa sida uu ugu hiloobay sugidda qof ka maqan,” ayuu yiri agaasimaha maaliyadda ee isbitaalka, Osvaldo Palota Sobrinho. 
Warkiisu wuxuu dunida is qabsaday markii laba toddobaad kahor ay barteeda facebook sawirradiisa ku baahisay  Cristine Sardella.
“Wax badan ayaan ka baran karnaa xayawaannada,” ayay tiri. “Eygani wuxuu ilinka u taagnaa saaxiibkiisii geeriyooday; laga yaabee inuu ku fashilmay sugiddiisa, hayeeshe jaceylka qalbigiisa ku jiray waa mid aan dhammaad lahayn.”
Intaas waxaa usoo of-baxay daryeele go’aansaday inuu xanaaneeyo. Balse markii goobta laga waday, wuxuu durbadiisa fogaan dhan 3 km uga yimid isla isbitaalka uu saaxiibkiis ku geeriyooday. Hayeeshe gacan walba oo gargaar iyo daryeel u fidisaba, macadda haddii uu jiro daryeele awoodi kara inuu ka joojiyo imaatinka goobtii ugu danbeysay oo uu ku waayay saaxiibkiisa.
  
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!