Burcad-badeed: Boob lagu xalaashaday Badaheenna!!

Qeybtii koobaad;
Sanado kahor faallo ka hadlaysay ciidamo Hindiya, Maraykan, Ruush, Iiraan iyo reer Galbeed ah oo xeebaha Soomaaliya ka ilaaliya falalka qowleysi ee Burcad-badeedda ayaan ka aqriyay mareeg kamid ah mareegaha Soomaalida ah.
Dib-u-sii meerinta faalladaas—xilligaas oo fikirba aan ka haysan falalka burcad-badeedda iyo howlaha is-bahaysi ee dalalkani ku ilaalinayaan xeebaheenna—macno buuran iima lahayn aqrinteeda. Balse hal su’aal ayay maalintaas iyo maantaba si isku mid ah maskaxdaydu ii waydiisaa, taas oo ah: Goormuu Dhurwaa aamin noqday?!
Baxaalliga Dhurwaaga ayaa lagu sheegaa inuu yahay mid cad-cadiinsada asal ahaanna kamid ah bahda hilibka cunta. Dhurwaagu ama Waraabuhu, wuxuu kamid yahay dugaagta horinta isku raaca. Wuxuu neefka uu disho, xeer ahaan, qeyb ka siiyaa horintiisa—deedna si wadaag ah ayaa loo cunaa. Haddii uu xeerkaas ka lex-jecleysto, waxaa qasab ah inuu isagu dhinto oo hilibkiisa la cuno.
Marka xeerkaas loo fiiriyo, Waraabaha, waxaa ku sandulle ah inuu in-badan ugaarsi tago—duud iyo dareemana iskaga tallaabo—si uu saami ku filan uga hantiyo dilan kasta oo ay bahdiisu wadajir kuwada cunayaan. Mid lamid ah Xeerkaas boolli-qeybsashada ah waxaa dunida casriga ah ee maanta kuwada reer Galbeed iyo dalalka la is-bahaysiga ah oo sida hal-ku-dhigii sedbursiinyo ee caruurta Soomaaliyeed baddeenna kula maansoonaya: “Kala booboobaa baal ii reeba.”
Si lamid ah Waraabaha ayay isugu habar-wacdeen inay dihinka iyo kheyraadka badaheenna u dhacaan, iyaga oo shaadiran magac lagu sheegay “Dagaalka Burcad-badeedda,” micno ballaaran oo ka hooseeya magacana uu yahay duullaan lagu dhacayo barwaaqada iyo bu’da dihan ee deeqda Soomaaliya. Balse baroortu Orgiga ka weyn!
Kadib dhicistii Siyaad Barre, Soomaaliya waxay ahayd beylah cidla ciirsata. Nuglaantii awoodeed ee ciidamadii qalabka siday ee Xoogga Dalka, waxay ahayd dhabar-jabka ugu wayn ee dalka Soomaaliya soo wajahay. Ciidamada badda oo kamid ahaa Xooggii Dalka ka yureyn jiray damaaciga shisheeye ee soo hungureeya badaheenna ayaa ahaa addin kamid ah addimadii ka jabay dhidibada qaranimo ee Soomaaliya. Markii hadaba doorkii CBS uu lumay, badda Soomaaliya waxay bar-tilmaameed u noqotay shisheeye badan oo dihinkeeda iyo kheyraadkeeda u dhacay. Waxaa kale oo ay badaheennu bullaacad haraadiga wasaqda iyo sunta kiimikeed ee Nugliyeerka lagu qubo u noqdeen reer Galbeed iyo xulufadiisa. Dal kasta sida inuu ruqsad u haysto sharci-darradiisa ayuu dhib-yari qashinka ugu qubay. Kalluumaysigu wuxuu ahaa dhibta ugu weyn, kasokow shubaalka haraadiga. Sida la tibaaxay, shirkado dhowr ah oo reer Galbeed ah ayaa maraakiib ay saaran yihiin Warshado sanceeya Kalluunka waxay la yimaadeen xeebaha Soomaaliya. Muddada uu kalluumaysiga sharci-darrada ah ka socday xeebaheenna, waxaa la hakiyay in laga kalluumaysto meelo badan oo kamid ah badaha ku teedsan qaaradda Yurub.
Waa socotaa…….
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!