Burcad-badeed: Boob lagu xalaashaday Badaheenna!!

Qeybtii labaad;
Muqdisho (Himilonews) – Culumada deegaanka ku xeel-dheer ayaa sheegay in dihinta Soomaaliya ee loo dhacay aysan suura-gal ahayn inay dib-uga soo kabato xittaa qarniyo dabadiis. Waliba waxaa adag, sida ay sheegeen, in dib loo helo jaadad kamid ah nuucyadii Kalluunka ee Soomaaliya ku gaar ahaan jiray. Waxaa kale oo ay ayaan-darro ku tilmaameen inay Soomaaliya waysay qeyb iska dhan oo kheyraadkeeda kamid ahaa. Dhagxantii qaaliga ahayd iyo dhamaan wixii macdan ku dihneyd badaheenna ayaa martay. In dib loo tarmiyo haraadiga waa wax aan la maleyn karin sida ay tilmaameen bad-maaxayaashu. Tani waxay sabab uga dhigeen in sunta iyo wasaqda lagu qubay darteed, noolihii ka badbaaday in la xaalufsado ay doolaal ku gaareen bado kasii fogfog badda Soomaaliya. Taas oo iyadna liifada usii gaabisay wadani kasta oo mar un ku taami lahaa dib-u-tarmintooda.
Haddii dunida loo sheegay in burcad-badeeddu halis iyo hiirtaanyaba ku tahay isku-gooshka iyo kala socdaalka dunida, maxaa dunida looga qariyay xaqiiqada ku jirta dhibaatada iyo dhaca lagu hayo dabeecadda deegaanka ee badda Soomaaliya?! Hadduu filimkii Kaptain Filipis muujiyay in burcad badeedda Soomaalida ay yihiin manaxayaal bad-maaxayaashu dhibsadeen, maxaa dunida loogu muujin waayay xaalufka ay xulufada reer Galbeedku hoggaamiyo ku hayaan xeebaha Soomaaliya?!
Su’aalahaas oo dhami waa kuwa maskaxdayda daaliyay. Waxaan wali garan la’ahay waxa aynu indhaha uga laabanay bareerka muuqda ee lagu dhacayo badaheenna. Xittaa dad iyo dowladba, waxaan gabnay inaan si dhiirrasho leh uga dhiidhino. Duniduna waxay Soomaalida, malahayga, u aragtay ummad dal aysan lahayn iska dagan oo in lala qeybsado aan dhibba u arkin.
Burcad-badeeddu, iyagu waxay door ku yeesheen in dihinteenna la xaalufsado, hadana, wali kusoo ganbashada magacooda, waxay kusii socotaa in lagu xalaaleysto hantideenna. Waraabe ayaa la yiri: halkeed wax ku leedahay? Kolkaas ayuu yiri: dhankii lay eryado! Reer Galbeedku dhankii ay u hadlaanba, waxay kusoo ganbadaan la dagaalanka Burcad-badeedda. Dhab ahaanna, dheef la’aan kuma ahan kheyraadka ay badaheenna ka dhacaan.
Nin ayaa isaga oo geed saaran laani lasoo jabtay. Markii uu dhulka kusoo dhacay isaga oo bad-qaba, ayuu yiri: degistiiba iiga fudud. Marka dal laga qafaasho markab, wuxuu dunida u sheegaa inuu ku biirayo la dagaalanka Burcadbadeedda si uu boobka lagu dhacayo Soomaaliya uga qeyb noqdo. Halkii uu geeddi dheer usoo gali lahaa kamid noqoshada is-bahaysi ee dowladaha isu-dooray ilaalinta xeebaheenna. Sidaas darteed, Burcad-badeeddu waa tilmaanta lagu xalaaleysto boobka kheyraadkeenna.
Si kastaba, dalalka xaalufka ku haya xeebaha Soomaaliya waxay ku heshiiyeen gardarro. Waxaase dhacda in gartu kala disho. Hadday is tuseen inay daabushaan kheyraadkeenna, waxay moog yihiin inay xisaab la’aan ka manfacsi doonin oo ay dhici doonto maalin lala xisaabtamo. Hadday xeer ka dhigteen inay bililiqaystaan hantideenna, ha sugaan xukun ay Wadaniyiin Soomaaliyeed mar un kusoo oogi doonaan. Hubaalna taariikhdu waa mudan waana tiro markhaati leh. Waa la yaqaannaa dal kasta oo si sharci-darro ah maalin-galinkeed uga kalluumaystay ama bu’deeda bullaacad ka dhigtay.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!