crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaqiiqooyinka ku saabsan BAKEYLAHA | HimiloNetwork
????????????????????????????????????

Xaqiiqooyinka ku saabsan BAKEYLAHA

Muqdisho (Himilonews) – Jaad nafleyda dhirta xagata kamid ah oo aad u dheereeya. Wuxuu leeyahay dhego dheerdheer, dhogor jilicsan; af bushinta kore ka faruuran—dabo gaaban iyo lugo xoog badan oo dheerdheer.Waxaa jira ku dhawaad 30 unug-dhamaysyo “species” ifka guudkiisa saaran oo Bakeyluhu u kala baxo. Iyaga oo ku kala nool deegaanno kala duwan, hadana waxay si guud u wadaagaan waxyaabo badan.
Halka dad badani moodayaan in Bakayluhu la egyahay Bisadda, hadana, unug-dhamaysyo kamida Bakaylaha, waxay kori karaan illaa iyo inta dhawaan-dhalad ubad ahi la egyahay. Bakeylaha yari wuxuu yar yahay illaa iyo 8—inch ama 20—centimitir; culeykiisuna wuxuu yar yahay illaa iyo 0.45 kilogaram. Bakeylaha waaweyni wuxuu weynaan karaa illaa 50—cm ama 20—inch; wuxuuna culeyskiisu noqon karaa in ka badan 1.8—kilogaram.
Bakeylihii ifka ugu weynaa wuxuu caga-cageeyey 4—feet iyo 3—inch oo u dhiganta 129.54 cm; iyo culeys dhan 22—kilogaram. 
Bakeylaha waxaa lagu yaqaan dhaqan tarantiisa tira-dhaafka leh. Waxay dhalaan saddex illaa afar jeer sanadkiiba. Dhedigtu waxay uurkiiba dhashaa 3—8 dhal. Kadib afar—shan toddobaad, dhashu iskeedbay u daaq-doonataa. Laba iyo ilaa saddex bilood kadibna, dhashu waxay yagleeshaan qoyskooda gaarka ah. Hadii aanay jirin gaatanto horror-dilato ah, goobtay ku nool yihiin waxay noqotaa 
Sidka Bakayluhu waa inta u dhaxeysa 60—70 maalmood. Celcelis ahaanna, waxaa loo shintiriyaa ku dhawaad 65 maalin. Waa daaqsato. Tani ayaa ka dhigan inay kaliya calafsadaan cunno dhireedka oo aanay cunin hilibka.
Bakaylaha guntiisa waxaa lagasoo gaaray Afrikada hodanka ah. Hayeeshe, maanta ifka ayuu wada gunaanaday. Hoyga Bakaylaha waa godadka. Godadku waxay u kala leeyihiin kuwo jiif iyo kuwo nasiino. Godadku waxa kale oo ay leeyihiin gud-baxyo dhowr ah oo ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan kolka dhiillo lagu hayo. Godadku waxay qoto dheer yihiin ku dhawaad 9.84—feet oo u dhiganta 3—mitir. 
Bakaylaha waa noole baxaalli fiican. Wuxuu isku raacaa raxan-raxan. Intii mar wada kacda ee kob wada daaqaysana waxaa la yiraahdaa Beel Bakayle. Xilliga uu ugu howsha badan yahay waa hiirta hore iyo fiidki. Tani waa xilliyada ay u ban-baxaan calafkooda.
Bakayluhu wuxuu adeegsadaa xis iyo xeelad. Si uu uga baxsado dugaagta, Bakayluhu wuxuu u ordaa hab gadow ah ama qaab giraangireyn ah. Wuxuuna gaari karaa xawaare dhan 18—mile saacadi.
Dhegihiisu waxay kori karaan 4—inch oo u dhiganta 10—cm. Tani waxay ka saaciday maqal-fudeyd inuu kaga digtoonaado dugaagta. Waxaa kale oo ay ka saaciday inuu diirrimaad ku sugnaado xilliyada kuleylka uu jiro.
Sidoo kale, Dhaayihiisa waxaa loogu dowgalay dhugsanaan; kol hadii ishiiba ay sameyn karto xagal-wareeg dhan 360 digrii. Tani waxay ka saaciday inuu gadaashiisa wax ka arki karo isaga oo aan madaxiisa dib u weecinin/jeedin.
Bakayluhu kama helo cunno nafaqo leh calafkiisa gaarka ah. Wuxuu aalaaba dib u cunaa saxaradiisa si uu u kabo nafaqada ka dhiman—taas oo habkiisa dheef-shiidka ah uu kolkii hore lumiyay.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!