crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> WAX KA BARO DAMEER FAROWGA | HimiloNetwork

WAX KA BARO DAMEER FAROWGA

Muqdisho (Himilonews) – Gamaanka jaad kamid ah oo Afrikada hodanka ah kaliya laga helo; Dameer duureed; Farow ama ~Gunburi. Wuxuu leeyahay oogo cad oo daliigo madmadow oo dheerdheer ah kuwada dhilan yihiin. Naaxnimada darteed, dhinacyadiisa waxaa ku rarmay laallaabyo badan.
Dameer farowgu waa unug-dhamaysyo dhowr ah oo kamida ah qoyska Reer Gamaan. Guud ahaan waa duunyo is-gaashaan buursata. Raxan raxan ayay isku raacaan. Ma orod yara. Waana mid kamida xulka ay dugaagtu kala baxaan ugaarta. Ku mid ma ahan qoyska ay xigtada yihiin ee Gamaan faras iyo dameer, Farowgu waligiis si dhab ah looma dhaqan.
Waxaa jira saddex jaad oo uu Farowgu u qeybsamo. Kuwaas oo isla reer Gamaan u heyb-tirsada. Waxayna kala yihiin;
Ban-jooge Farow  “Plain Zebra”.
Buur-jooge Farow “Mountain Zebra”.
Farow Giraafe  “Grevy’s Zebra”.
Daliigyada bey-madow-caddaha ee ku dhilan guudkiisa ee uu hibada u leeyahay ayaa ka dhigtay midka mida duunyada ay dadku waaya’arag ku yihiin. Wuxuu ku dhaqmaa cimilo kala ceyn ah. Wuxuu daaqaa dhulka doogga leh, midka cosobka siman “savannah”; dhulka dogobleyda ah—iyo dhulka xeebaha iyo buuraha ku faafsan. 
Sida badi xubnaha qoyska reer Gamaan yihiin, Farowgu aad buu isku biirsadaa. Raxan uu horfiiq ka yahay Labka oo ka kooban lix dhediggood iyo ubadkooda ayay isku raacaan. Lababka aan wali curan keli iyo kulantiba way ku nool yihiin. Kolkay soo weeraraan tiro Dhurwaa ama Ey-duureed ah, waxay u yaacaan hal dhinac iyagoo ubadkoodu dhexda uga jiro.  Sida Gamaanka kale, Farowgu sara-joogsi ayuu ku hurdaa kolka deriska hareerihiisa jooga aanay dhiilo ku sugneyn. 
Dhedigta Farowga ayaa korriimada uga horreysa Labkiisa. Dhedigtu waxay wax-dhal ku noqotaa da’da 3—jirka. Halka labkuna uu wax-dhal ku noqdo inta u dhaxeysa da’da 5—6 jir. Sidka Farowga waxaa loo shintiriyaa 12—bilood; ama gu’. Mid kaliya ayay kadib dhashaa. Madal sanad ku dhowna waa ay kalkaalisaa. Sida Gamaanka kale—fardaha, dhasha Farowga way socod bilaabaan inyar kadib dhalashadooda.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!