WAX KA BARO GUDUUDANAHA
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
December 27, 2015
2,146 Views



Muqdisho (Himilonews) – Bahal dummadda u eg kase weyn biyooloji ahaanna lagu daro bah Dinnad; wuxuu leeyahay adimmo dheerdheer, dabo gaaban, dhego dheerdheer oo timo ka taagan yihiin—labada can wuxuu ku leeyahay dhogor duf ah, waxaana la yiraahdaa wax ka arag dheer. ~ Jiifaa ama Huuris.
Wuxuu badi dishaa waxaraha; kolna neefka ariga ah. Wuxuu caan ku yahay inuu jiito dilanka deedna uu ku duugo god; kadibna kis-kis uu neefka ku cuno baqtigiisa. Taas oo mar lagu sheego inuu calool-qaadkiisu yaryahay—marna uusan lahayn miciyo ku filan oo uu ku feeynto neefka dubaaxaya. Labada galinba wuu gabraartaa waloow fiidkii iyo caweyska danbe uu galgalka badiyo.
Guduudanaha qaar ee ku nool Aasiya waxay cimriyaan wax ka badan 15-sano. Guduudanihii ugu cimri dheeraa Aasiya wuxuu ku dhintay da’da 24-sano.
Waa kaligii-soolane. Waloow uu kolkol wada socdo ama uu wada gabraarto. Sidka Guduudanaha waxaa loo shintiriyaa muddo 70-maalmood ah. Dhashu muddo sagaal bilood ah ayuu la joogaa hooyadiis kahor inata uusan noqon mid iskiis u ugaarta. Wuxuu cunaa Digiiranta, Sagaarada, Ariga iyo kuwa la halmaala.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-27
You must log in to post a comment.