Wiil yar oo Dallad kaga soo haaday dabaq ay degan yihiin
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
April 26, 2017
538 Views
Beijing (Himilonews) – Hooyo ayaa qarracan ka qaaday aragtida wiilkeeda oo kasoo dhacay dhismo isasaar ah – kadibna si xun u dhaawacmay.
Marka loo eego hooyada, wiilka ayaa daawanayay muuqaal Kartuun ah – oo muujinaya qof kaga soo haadaya dhismo dheer barashuut; isna wuxuu isku dayay inuu sidaas oo kale sameeyo.
U sheegid la’aanta qorshihiisa qofna, wiilkan 7 sano jirka ah wuxuu soo qaatay Dallad uu isticmaalayo sida barashuutka. Wuxuu daaqadda balakoonka 10aad ee aqalkooda oo dhismaha kamid ah kaga soo haaday Dallada.
Nasiib-wanaag, wiilkani wuu samata-baxay. Marka loo eego goob-joogayaasha, markii uu soo dhacay wuxuu ku dul hakaday fiilooyinka danab koronto taas oo xawligiisa yareysay.
Wiilka waxaa loola cararay isbitaalka halkaas oo qalliin lagu sameeyay. Xaaladdiisuna hadda waxay ku sugan tahay caadi.
Isha: radiohimilo.so
Related
2017-04-26
You must log in to post a comment.