crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waligaa ma is tiri; Carrabkaaga ku jooji Marwaxad kuu shidan?! | HimiloNetwork

Waligaa ma is tiri; Carrabkaaga ku jooji Marwaxad kuu shidan?!

Rome (Himilonews) – Haweeney u dhalatay dalka  Australia, ayaa rikoorka caalamka ku gashay u adeegsiga carrabkeeda inay ku joojiso marwaxad ama dhigdhigo babaneysa, marka loo eego muuqaal lasoo dhigay barta internet-ka.
Zoe Ellis, oo sidoo kale loo yaqaan Zoe L’Amore, waxay kasoo muuqatay muuqaal fogaan-arag oo lagu qabanayay gudaha dalka Talyaaniga – iyada oo carrabkeeda u isticmaalaysa inay ku joojiso marwaxad xowli ku babaneysa tiro dhan 32 jeer.
Saraakiisha Buugga Layaabka Dunida ee World Record ayaana taas u xaqiijiyay. Si kastaba, haweeney kale ayaa si degdeg ah u jabisay rikoorka iyada oo carrabkeeda ku joojisay marwaxadda tiro dhan 35 jeer lixdan ilbiriqsi gudahood.
Ashrita Furman ayaa hadda heysata rikoorkan, Ellis-na waxay isku dayaysaa inay jabiso rikoorkaas mustaqbalka dhow.
Ellis ayaa kasoo muuqatay barnaamijka Lo Show dei Record show – halkaas oo laba marwaxadood oo ay ku heysay labada gacmood loo tilmaamay inay ku joojiso mid kasta sida ugu dhaqsiyo badan.
Kadibna waxay adeegsatay carrabkeeda inay ku joojiso mid kasta 16 jeer. Saraakiisha ayaa si kastaba dadka uga digay inay tijaabadan oo kale ku sameeyaan guryahooda maadaama ay halisteeda xanbaarsan tahay.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!