crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 25 April – Maalinta Caalamiga ee Duumada | HimiloNetwork
Him Lames, 6, (left) and El Phyyas, 10, (right) under a bednet in Svayor village.

25 April – Maalinta Caalamiga ee Duumada

Muqdisho (Himilonews) – Maalinta Caalamiga ee Duumada ama Malaariyada waa baraarug guud oo sanad kasta la xuso bisha April 25-keeda – iyada oo lagu garowsado dadaallada caalamiga ah ee lagu maareynayo cudurkan. Duni ahaan, 3.3 bilyan oo ku kala nool 106 dal ayaa halis ugu jira Duumada.
Sanadkii 2012, cudurka Duumada waxaa u geeriyooday tiro lagu qiyaasay 627,000 kuwaas oo badankood kasoo jeeda qaaradda Afrika. Qaaradaha Aasiya, Latin America, tiro kooban oo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub ayay sidoo kale Duumada saameyn ku leedahay.
Xuska Maalintan wuxuu soo alkumay bishii May sanadkii 2007 markaas oo lagu calaameeyey kal-fadhigii Guud ee Caafimaadka Dunida. Maalintanna, waxaa loo doortay si sare loogu qaado aqoonta iyo fahamka la xiriira Duumada.
Iyada oo la kaashanayo dadaallada ku dhasha Maalinta Caalamiga ee Duumada, Maalinta Malaariyada Afrika waxaa markii ugu horreysay la qabtay sanadkii 2001 – gu’ kadib ku dhawaaqistii taariikhiga aheyd ee Abuja oo ay saxiixeen 44 dal oo Afrikan ah kuwaas oo la dhiban saameynta cudurkan.
Hal-ku-dheggii ugu horreeyey ee loo sameeyo xuska Maalintan sanadkii 2008-da, wuxuu ahaa; Malaariya – cudur aan xuduud laheyn.  Taniyo markaasna, sanad kasta, waxaa la qaataa hal-ku-dheg guud oo la iskugu baraarujinayo halista cudurkan iyo sida loo xakameyn karo.
Kaneecada ama Duumada waa halis mararka qaar ka dhigan cudur raad danbe ku yeesha xubnaha qofka oo laga qaado Kaneecada ama Dhilmaanyada. Cudurku wuxuu fidaa marka Kaneecadu qaniinto oogada ama jirka qofka.
Ereyga Malaria – micnihiisu wuxuu ka yimid isu-geynta laba magac oo kala ah; Hawo-Xun. Qarnigii 18aad, ayay aheyd markii ay seynisyahannadu maleeyeen in cudurkani uu ku faafo qaadashada ama neefsiga Hawada Xun.
Sanadkii 1880-kii, si kastaba, waxay daah-rogeen inaysan taasi run aheyn. Hayeeshe magacu wuxuu noqday mid sidiisa loo qaatay.
Duumada waxaa si guud ugu badnaan looga helaa qaaradda Afrika iyo qeybo kamid ah koofur bari qaaradda Aasiya. Dhaqan ahaan, dalal badan oo Afrika iyo koofur bari Aasiya ku yaalla waxay ku jiraan heerka ugu sarreeya ee faqriga; dadkuna maheli karaan kahortagga cudurka Duumada iyo daawadeeda – mana helaan aqoon ay xaggeeda u leeyihiin.
Sida la tilmaamo, Duumadu waxay saameysaa celcelis ahaan 200 oo milyan sanad kasta. Ku dhawaad hal milyan oo kamid ah labada boqol ee milyan ayaa sanad kasta u geeriyooda.
Dhimashada cudurkan, 90% waxay ka dhacdaa qaaradda Afrika. Gudaha qaaradda, hal cunug ayaa u dhinta Duumada ama Kaneecada daqiiqad kasta.
Dawada ugu weyn ee cudurka Duumada waa kahor-tagga. Waxaana jira laba siyaalood oo looga hortago. Mid waa adeegsiga mara-kaneecada ama Sinsiyeeriga oo daah ahaan loogu daboolo sariirta xilliga jiifka; midda kalana waa aqalka la jiifsanayo oo la iska buufiyo kahor intaan la seexan. Joogteynta buufin ee Kaneecada waxay aqalka ka dhigtaa mid ka caagan xaggeeda muddo u dhaxeysa saddex ilaa lix bilood.
Xaqiiqooyinka dhawaan-dhaladka ah ee laga ogaaday Duumada waa in la is qaadsiin karo. Dadku waxay iskugu gudbin karaan cudurkan wada adeegsiga cirbadaha, iskugu deeqista dhiigga iyo hooyada xaamilada ah oo cunugga caloosheeda ku jira u gudbisa.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!