crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan: Ninka ay 36 sano ku qaadatay sameynta kanaal-biyood dhex maraya saddex buurood. | HimiloNetwork

Lakulan: Ninka ay 36 sano ku qaadatay sameynta kanaal-biyood dhex maraya saddex buurood.

Muqdisho (Himilonews) – Qaadista qiirada ah sare-u-qaadista xaaladaha nololeed ee reerkiisa, Huang Dafa, horfiiqa Caowangba oo ah xaafad yar oo ku hoos qarsan buuraha gobalka Guizhou ee Shiinaha, wuxuu 36 sanadood ka qodayay kanaal biyood gaaraya 10 kilomitar ku dhawaad saddex buurood oo isku dhagan.
Hal-doorka Yu Gong wuxuu ka hadlayaa nin da’ ah kaas oo gurigiisu ay laba buurood ka sooceen xaafadaha u dhow. Sidaas darteed, wuxuu bilaabay inuu kanaal biyood ka dhex sameeyo buurahan. Dadku markii hore way ku jeesjeesi jireen iyaga oo dadaalkiisa ku tilmaamaya mid aan mira-dhal noqoneyn. Ka go’naanta hadafkiisa, wuxuu awooday inuu dhanbalo buuraha. Maantana waxaa lagu naaneysaa ninkii dhaqaajiyay buuraha.
Hayeeshe, halka Yu Gong uu helay kalkaalo soo raagtay, Huang Dafa, oo ah horfiiqa tuulada Caowangba wuxuu kaliya ku tiirsanaa damaciisa iyo go’aan uu ku dhafray inuu xaqiijiyo yoolkeeda. Wuxuu bilaabay mashruuca kanaal biyood dhex maraya saddax buurood sanadkii 1959 – isaga oo u baahday 36 sanadood oo howl-adag iyo naf-hurnimo isugu jirta inuu ku gabagabeeyo. Maanta, xaafaddiisu waxay mahad ula noqdaan xaggiisa mar kasta oo ay kanaal biyoodka arkaan. Wuxuuna u dabaal-degaa noloshii halgamaa ee Yu Gong.
Kahor helidda kanaal-biyoodkan, abaarta ayaa xaaqday ciidda ku hareersan xaafadda Caowangba – dadka deegaankana waxaa ku adkeyd helidda biyo joogta ah. Marka laga yimaado hal ceel, dhamaan ilihii kale ee biyaha way engegeen. Qof kastana wuxuu ceelka ka dhaansanayay biyo ku filan waayo qaadasha biyo badan waxay dhibaato ku aheyd daganayaasha kale oo aan biyo ugu imaaneyn.
“Waxaa jiray sharci adag oo ku saabsan inaan biyo badan qofna qaadan karin; haddii uu qaatana, waxay caqabad ku aheyd qof kale oo aan heli karin wuxuu quraacda ku sameysto. Xaaladahan ayaana na dhiirri-geliyay,” ayuu yiri ku-xigeenka horfiiqa xaafadda,  Xu Zhou. “Iska ilow waraabin beereed. Waxay aheyd dhibaato dhab ah. Sidaas darteed, waxaynu bilownay raadinta xal dhab ah.”
Hayeeshe, majirin doorasho badan oo u furan dadka deegaanka – oo aan ka aheyn guuris ama iska fadhin. Tani waxay aheyd aragtidii ku jirtay Huang Dafa oo uu ka dhaadhicinayay dadkiisa si ay biyo ugala yimaadaan xaafadda oo dhowr kilomitar oo buuraley ah u jirta xaafadooda Caowangba.
Ugu horreynba, dadku waxay u sheegeen inaysan suura-gal aheyn; biyana aysan soo gaari karin xaggooda; hase ahaatee, majirin waddo kale oo furan; Huang Dafa wuxuu aaminsanaa inay jirto. Wuxuu maareeyey in qaar katirsan xoogsato da’yar ah uu ka dhaadhiciyo inay la bilaabaan mashruuc kanaal biyood ah sanadkii 1959-kii. Waqtigaas wuxuu jiray 23 sanadood. Hayeeshe xaaladdu way adkeyd – Dafa-na waxaa ku qasab ah inuu bulshadiisa ku hoggaamiyo mashruucan halista ah.
Wuxuu noqday qofkii ugu horreeyey ee xargo iskugu xirxira fuulista dhakada sare ee buuraha oo dheer ilaa iyo 330 mitar. “Haddii aan anigu sameynin, qofna kuma dhiirranayo,” ayuu yiri.
Hadana xattaa in kasta oo ay arkeen dhiirranaantiisa, dadka qaar ayaa diiday inay raacaan tusaalihiisa waayo waxay aheyd mid halisteeda leh.
Dadka xaafadda waxay ku qaadatay 10 sanadood inay ku dhisaan 100 mitir iyaga oo isticmaalaya qalabyada caadiga ah sida Dubbe iyo wixii lamid ah. Huang wuxuu fahmay in walow ay adag tahay doonistooda, hadana aysan laheyn aqoon ballaaran oo la xiriirta sameynta kanaal-biyood. Sidaas darteed, waxay ku qaadatay sanado dhowr ah inuu soo barto habka farsamada biyaha. Wuxuu soo noqday sanadkii 1990 isaga oo dadka deegaanka weydiistay inay mar labaad isku dayaan.
Wuxuu inta uu ku jiray shaqadan lumiyay noloshiisa qaar katirsan carruurtiisa. Gabadhiisa iyo wiil uu awoowe u yahay ayaa geeriyooday. “Muusan joogin guriga xittaa markii ay walaashay saarneyd sariirta geerida,” ayuu wiilka Huang Binquan, oo 53-jir ah u sheegay China Daily. “Kooxda howl-galinaysay dhismaha ma aqoon sida loo wado shaqada isaga la’aantiisa.”
“Waxaa iga go’neyd inaan biyo soo gaarsiiyo Caowangba. Dadku hadda waxay heli karaan quud ku filan. Calool dheregsan micnaheedu waa maan nabad ku sugan,” Huang Dafa, oo 82-jir ah ayaa dhawaantan yiri. “Haddii aan is-baddal rabno waa inaan bilownaa. Uma baahnin inaan cid kale sugno. Dhowr gu’yaal oo cimrigayga katirsan ayaa iska tegi lahaa aniga oo aan waxba ku qabsan.”
Hey’adda ECNS ayaa soo werisay in kanaal biyoodkan ay ka faa’iideen dad gaaraya 1200 isaga oo sare-u-qaaday wax soo saarka beeraha siiba Bariiska oo kor u kacay 25,000 kilogram ilaa 400,000 kilogram sanadkiiba.
Sanadkii 1995 ayuu  mashruucan soo idlaaday. In kasta oo hadda 82-jir yahay, hadana wuxuu wali kormeeraa kanaal biyoodka si uu u hubsado sida hagaagsan ee uu u shaqeynayo.
1 2 3 4 5
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!