crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 32

Wararka

Laamiga Xareed oo dib loo furay!

MUQDISHO (HN) — Muuqaalka idin muuqda waa mid dhawaan-dhalad ku ah waddadan. Waase baahi hadiyo jeer loo dhibtooday heliddeeda. Waana natiijada ka timid quus iyo caalwaa laga joogay mushkilad ay waddani gaarkeeda ula jiiftay.   Mana ahan mid kale ee waa qashinka iyo dhiiqada oo marwalba oo roobab mahiigaan ahi ka curtaan magaalada halkan ka dhiga biyo-dageen aan kaliya marti-gelin ...

Read More »

Arigii Dhogor awgii looga diday sida Dugaag.

MUQDISHO (HN) — Idaha iyo Ari-cadka ku nool dhulka qabow waxay aalaaba u baahan yihiin in laga diiro dhogorta iyo dufka tirada badan ee ku raarma sannadkiiba mar. Haddii kale waxay noqonayaan sida ri’dan oo kale taas oo in ka badan sannad aan laga jarin dhogorta. Culeyska dhogorta oo kaliya ayaa gaaray 35 kilogaram. Si kastaba, goortii loo qaaday xarun ...

Read More »

La kulan: Ninka ‘gebi cidlo’ ah ku camiray 10,000 oo Geed-mirood ah.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hindiya kaas oo 15 sano kahor bilaabay dhir-beerista ayaa lagu bogaadiyay dadaalkiisii mira-dhaliyay in ka badan 10,000 oo geedo ah. Satyendra go’aankiisa la xiriira inuu dhirbeero wuxuu kala kulmay caqabado badan, aalaaba xoolaha ayaa usoo dhici jiray xerada uu ooday si uu dhirta ugu koriyo waxayna cuni jireen dhammaanba abuurka iyo geedaha yaryar ...

Read More »

Tijaabadii ugu adkeyd Jaceylka oo ay marayaan Lammaane.

MUQDISHO (HN) — Lammaane u dhashay dalka Ukraine ayaa go’aansaday inay tijaabadii ugu adkeyd is mariyaan iyaga oo gacmaha ku wada dhifsanaya hal katiinad muddo saddex bilood ah. Alexander iyo Viktoria, ayaa bilowgiisa bishan go’aan ku gaaray inay u dabaal-degaan Maalinta Jaceylka iyaga oo gacmaha iskaga katiinaysan. Hadafkoodu wuxuu ahaa inay isla joogaan hadiyo jeer si xiriir ah muddo saddex ...

Read More »

Sheekada Lammaane 10 bil gudaheed isku dhalay 11 carruur ah!

MUQDISHO (HN) — Hooyo u dhalatay waddanka Ruushka oo 23 jir ah ayaa noqotay 11 dhal muddo 10 bilood gudahood ah kaddib markii ay adeegsatay caloosha hooyooyin kale si ay ugu ximbaaraan ubadkeeda. Hadafkeedu wuxuu ahaa inay si dhaqsiinyo leh ugu dhasho ubad tiro badan. Christina Ozturk waxay wax dhal ku noqotay da’da 17 jirka markii ugu horreysay oo ay ku ...

Read More »

Sababta Waddooyinka Caasimadda ka dhigtay CIRIIRI iyo BUUQ!

MUQDISHO (HN) — Caasimadda Muqdisho waxaa ugu dambeyntii lagu biirin karaa mid kamid ah kuwa ugu saxmadda iyo ciriiriga badan adduunweynaha. Buuqa iyo ciriirga soo bilowda subax arooryaad wuxuu sii jiraa ilaa gabbalku ka dumo iyo caweys dmabe. Jid walba oo ku yaalla caasimadda wuxuu ugu yaraan saacad kamid ah maalintii marti-geliyaa ciriiri aan yareyn. Hayeeshe, waqti aan la fileyn ...

Read More »

21 Febraayo: Maalinta Afka Hooyo.

MUQDISHO (HN) — Maalinta caalamiga ee afka hooyo waxaa loo debaal-degaa 21 Febraayo sanad kasta si loo dhiiri-geliyo kala duwanaanshaha luuqadeed iyo midka dhaqan ee caalamka. Waa maalin loo aqoonsaday in lagu turxaan bixiyo afafka oo la aaminsan yahay inay sal dhig u yihiin horumarka la gaaro. Maanta waxaa jira baraarug ah inay afafku door wayn ka qaataan ladnaanshaha, hubinta ...

Read More »

Qisada nololeed ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

MUQDISHO (HN) — Wuxuu ahaa sheikh caan ah iyo xubin kamid ah Majmaca Culimada Somaaliyeed. Burburkii dalka iyo waqtiyadii adkaa ee waddanku soo maray, wuxuu qeyb ka ahaa dacwada iyo faafinta qeyrka iyo samaha. Dad badan, laakiinse, waxay ku barteen kitaabadii uu ka aqrin jiray Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka Somaaliyeed halkaas oo sannadihii dhawaa uu kaga soo muuqan jiray ...

Read More »

Maalinta Raadiyaha Caalamka.

MUQDISHO (HN) — 13 Febraayo sannad kasta waxaa la xusaa doorka Raadiyuhu ugu fadhiyo bulshada iyo sida loogu diirsaday adeegga warbaahineed oo uu ku yeeshay ilbaxnimada iyo xiriirka umaddaha. Hal-ku-dhegga sannadkan, waxaa loo qaatay; New World, New Radio oo la micno ah Duni cusub iyo Raadiyo cusub. Warbaahintu waa ikhtiraacaadkii ka hirgalay dunida qarnigii tagay bilowgiisa kaas oo si weyn ...

Read More »

Maxaa laga og-yahay Doorka Dhaqaatiirta Shisheeye ee Dalka ku sugan?!

MUQDISHO (HN) — Dhinaca togan oo tusaale nool u ah sida dalkani tagtadii ragaadisay uu uga soo kabanayo waxaa laga fahmi karaa kororka tirada dhaqaatiirta ajaaniibta ah ee dalka ku sugan kuwaas oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay qeyb ka ahaa bahda caafimaadka dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wax la dheereysto in badan siima noqoneyso aragtida isbitaal walba oo la ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!