MUQDISHO (HN) — Waxaa xirfad u ah inay magac u bixiso ilmaha dhasha. Waana shaqo dhif iyo mar la’arag ah. Waase mid ay lacag fiican ka sameynayso madaama halkii lammaane oo ay magac ugu hesho dhallaankooda ay ka qaadayso lacag dhan $30,000. Taylor A. Humphrey, waa 33 jir ku nool New York iyo helaha Mashruuca la yiraahdo ‘Waxa ku jira ...
Read More »Wararka
Tartanka Baaskiilka Afrika.
MUQDISHO (HN) — Tartanka Baaskiilka Afrika waa tartan kale oo un ka qabsooma dunida waxaase uu kaga duwan yahay nuuca baaskiil ee loo adeegsado – waana waxa ka dhigaya tartankani mid gaaroodi ah oo aynigiisa oo kale aan horay loo arag. Balse inta aan guda-galin tartankan, aan wax kaaga sheegno waxa uu ka sameysan yahay iyo sida loo isticmaalo. Baaskiilkan ...
Read More »La kulan – Dadka doonaya inay bishan Soonqaad Qur’anka aqriyaan hal jeer ka badan.
MUQDISHO (HN) — Xalimo Maxamuud Adan waxaa Eebbe u fududeeyey aqrinta Qur’anka – xilli walba oo aysan macduur ahayn waxay jecleysataa inay aqriso kitaabka. Waa ardayad dhigata Madrasad lagu barto Qur’anka. Waxayna ku jirtaa howlgal ay ku doonayso inaysan kaliya gudaha bisha Soonqaad ku xifdinin Qur’anka. “Waxaan doonaya inaan saddex jeer dhammeeyo,” ayay tiri. Maalin walba waqtiyo kamid ah jadwal ...
Read More »Gudaha Kawaanka Malaayga.
MUQDISHO (HN) — Sideeda duhurnimo iyo Kawaanka Malaayga Degmada Wadajir oo kamid ah kuwa ugu waaweyn caasimadda ee loogu soo hagaago iibsiga kalluunka. Sidii caadada ahayd ayuu Kawaankan u howlgalayaa taniyo markii loo dhisay si habeysan afar sannadood kahor. Balse, Soonqaadkan iyo qiimaha Kalluunku lamid ma ahan Soonqaadkii hore, marka loo eego Aweys Abduqaadir Cusmaan oo muddo 20-sannadood ah ka ...
Read More »“Tareen ayaa iga maray lug iyo gacan.” — Sheekada Amos Boniface.
MUQDISHO (HN) — Weligaa haka shakinin awoodda qarsoon ee dadka naafada ah. Taas waa farriin kaaga imaanaysa da’yar ku nool dalka Tanzania. Waayo sida aad u jeedaan, wuxuu awoodi karaa inuu dabaasho; bajaaj ama baabuur midkii ay tahay uu kaxeeyo ama uu dheelo kubadda miiska ee usha iyo ukumaha lagu dheelo. Mararka qaarna wuxuu dheeli karaa kubadda cagta. Waxaa intaas ...
Read More »Haweeneyda Cayilkeedu gaaray 400 KG.
MUQDISHO (HN) — Tani waa qisada haweeneyda culeyskeedu gaaray 400 oo kg oo dad kuwii ugu dhawaa nolosheeda ay ku naceen. Ma socod badna mana ahan inaysan jecleyn; wayse jiif badan tahay; haddana mana ahan inay ku qasban tahay. Marwalba oo ay socod maagto way hinraaagta; marka ay fadhiga cabbaar ku sugnaato oo ay damacdo inay sare-kacdana waxaa ku adkaata ...
Read More »Warbixin – Sida loo oogo Salaadda Taraawiixda.
MUQDISHO (HN) — 8:00 habeennimo iyo mid kamid ah masaajidda caasimaada oo laga oogayo salaadda Taraawiixda. Da’yar iyo duqow intaba habeen walba inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan ku oogaan mid kamid ah salaadaha sunnooyinka waaweynka ah ee la tukado 30-maalmood ee Soonqaad. Waana mid kamid ah astaamaha lagu yaqaan bishan, marka loo eego Sheikh Cabdullahi. “In laga hadlo Ramadaan waxay ...
Read More »Sare-u-kac ka muuqda Qiimaha Qudaarta bisha Soonqaad.
MUQDISHO (HN) — Galab casir liiq ah iyo gudaha Suuqa Qudaarta ee degmada Wadajir. Qudaar-iibiye Maxamed Jeylani Cumar oo da’da afartameeyada ku jirana, wuxuu ka ganacsadaa qudaarta muddo toddobo sannadood ah. Laakiin la-yaab kuma ahan in marwalba oo bisha Ramadaan la gaaro uu sare u kaco qiimaha la iibiyo qudaarta – waana ujeeddo sababta ka dambeysa uu og yahay. “Wallaahi ...
Read More »Gudaha Suuqa ugu weyn Caasimadda ee QARAHA lagu iibiyo.
MUQDISHO (HN) — Xilli barqo ah iyo gudaha suuqa qaraha lagu iibiyo ee degmada Wardhiigleey. Laga yaabee inaadan rumeysan hayeeshe, kani wali waa midka ugu weyn gudaha caasimadda ee lagu iibiyo qaraha, marka loo eego, Nuur Abshir Adan oo muddo 20-sannadood kamid ah kuwa ka shaqeysta. “Mid yaroo xaafadeed ah mooyaane,” ayuu yiri. “Halkan ayaa ah barta ugu weyn ee ...
Read More »Warbixin – Cunnooyinka Shiilan ee lagu afuro.
MUQDISHO (HN) — Kowda duhurnimo iyo diyaarinta cunnooyinka afurka. Sida caadada u ahna, Istar Ismaciil waxaa meel dhexe u maraya karinta cunnooyinka fudud ee saambuuska, burka iyo bejiyaha oo ay soo bilowday barqanimadii maanta. Iyada ahaan, cunnooyinka la shiilo kaliya ugama dhigna afbilowga afurka qoyska. “Maba joogi karno haddii aanan ku afurin sambuus iyo bur,” ayay tiri iyada oo dul-fadhisa ...
Read More »