Beijing (Himilonetwork) – Dusiga sare oo ku yaalla magaalada hangqiu, ee gobalka Henan ayaa dhawaan la kulmay eedeymo badan kaddib markii maqaayadda iskuulka laga qaaday dhammaan kuraastii si ardayda loogu dhiirri-geliyo inay halhaleel ugu laabtaan fasallada.
Xilli ay ardaydu kasoo laabanayeen fasax xilliyeedka sannadka, waxaa la yaab ku noqotay inay arkaan maqaayadda oo aan laheyn kuraas – qasabna ay ku tahay inay sare joog ku cunaan kaddib markii maamulka iskuulka uu go’aanka isla gartay.
Afhayeen u hadlay iskuulkan oo la yiraahdo Shangqiu ayaa sheegay in sidoo kale ay qorsheynayaan in arday walba loo sameeyo bar-istaag uusan ka dhaqaaqin inta uu cuntada cunayo si loogu sii dhiirri-geliyo inaysan waqtigooda iska dayacin.
“Toban daqiiqo inay wax ku cunaan way ku filan tahay,” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha iskuulka xilli uu kasoo muuqday fiidiyow ku baahay baraha bulshada.
Tallaabadan waxaa laga keenay dhaleeceymo badan kuwaas oo ifinaya in dhibaato caafimaad ay la kulmi karaan ardayda – bedelkii laga fiirin lahaa inay waqtigooda ilaaliyaan.
“Sannadka danbana waxay albaabada iskugu dhufan doonaan maqaayadda oo dhan si heerka wax-barashada ardayda sare loogu dhigo maadaama aysan waqti siin doonin cunnada maqaayadda,” ayuu kusoo kaftamayay mid kamid ah dadkii dhiibanayay aragtidooda.
“Xabsi yaan la dhigin ardayda xittaa marka ay wax cunayaan,” ayuu soo raaciyay mid kale.
You must log in to post a comment.