crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Suuqa ugu weyn Caasimadda ee QARAHA lagu iibiyo. | HimiloNetwork

Gudaha Suuqa ugu weyn Caasimadda ee QARAHA lagu iibiyo.

MUQDISHO (HN) — Xilli barqo ah iyo gudaha suuqa qaraha lagu iibiyo ee degmada Wardhiigleey.

Laga yaabee inaadan rumeysan hayeeshe, kani wali waa midka ugu weyn gudaha caasimadda ee lagu iibiyo qaraha, marka loo eego, Nuur Abshir Adan oo muddo 20-sannadood kamid ah kuwa ka shaqeysta.

“Mid yaroo xaafadeed ah mooyaane,” ayuu yiri. “Halkan ayaa ah barta ugu weyn ee qaraha caasimadda laga cuno oo dhan lagu iibiyo. Waxaana mararka qaar loo daabulaa duleedyada magaalada.”

Taniyo xukuumaddii Kacaanka ayuu suuqani soo jireen yahay, waxaana uu xooggiisu furan yahay lixda bilood ee kuleylaha taas oo ka dhigan inaanu guga iyo deyrta wax sidaas u buuran oo qare ah lagu iibiyo.

Meel aadan mararka qaar malaysan Karin sida Togwajaale ayuu ka yimaada qaraha. Nuur Abshir oo karaani iyo isku duwe guud ka ah suuqa ayaan weydiiyay waxa bisha Ramadaan iska beddela tiro ahaan iyo qiimo ahaanba iibka qaraha.

“Xilli kuleylaha ayuu kusoo beegma – Ramadaanku wuu sii gaasiraa. Micnaha inta lagu jiro bisha Soonqaad ayaa dhacda inuu suuqa ka dhammaado,” ayuu yiri. “Qiimuhuna dabcan wuu yara kordhaa.”

Dad lagu qiyaasay 60 qof ayaa maalinle halkan uga shaqeysta, waxaana ku jira da’yar xoogsato u badan. Isaaq Cusman oo ku magac-dheer Xabadeey kaas oo ku jira bilooyinkii uu sida caadada ah halkan kaga xoogsado ayaana kamid ah.

“Dekad yar oo aan ka xamaalano ayay noo noqotay barxaddan qaraha,”ayuu yiri. “Ilaahayna wuu nagu irsaaqay in badan.”

Isaaq oo waalidkiisa ku masruufa shaqadiisa wuxuu sheegay in bilaha kale uu ku xoogsado xirfado uu bartay sida darawalnimada, feeryaamada iyo wixii la halmaala. Wuxuuse qiray inaysan sahlaneyn shaqadiisa.

“Wallaahi barqadii marka la gaaraba, gaajo ayaa ku qabaneysa madaama xilligu kulul yahay shaqadana aan kallahaad kusoo galno,” ayuu yiri. “Haddii uu jiri lahaa badiil kale oo aan ku doorsado, waan ka nasan lahaa.”

Qaraha waxaa loo dhigaa goobogoobo oo halkii goobo ay ka kooban tahay 50xabo. Qaar badan oo duleedyada ka fadhiya barxadda qarahana waa ganacsatadii u timid inay iibsadaan. Saacado xiriir ah oo sugaalka loogu jiray bilowga Naadadana, waa la gaaray ammintii.

Goobo walba waxaa tan ugu yar lagu iibsadaa nus milyan. Halka tan ugu bandanna lagu kala iibsado 3 milyan.

Si kastaba, qaruhu wuxuu kusoo aadaa inta badan xilli bisha Ramadaan loogu baahi bato cunistiisa. Wuxuuna bulshada caasimadda ugu jiraa kaalin wax ku ool ah.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!