crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney toos u karsanaysa hilib yaxaas oo si weyn looga xumaaday! | HimiloNetwork

Haweeney toos u karsanaysa hilib yaxaas oo si weyn looga xumaaday!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinees ah oo baraha bulshada kusoo bandhigta hibada cunta-karinteeda ayaa la kulantay dhaleeco iyo cambaareyn kaga timid dadka ku xiran markii ay soo dhigtay muuqaal ay yaxaas dilayso, kadibna ay dabka saarayso si ay hilibkiisa u karsato!

Beryahan dadku waxay caannimadu la gashaa meel walba. Waxyaabo ay qofka aan caan doonaha ahayn ku tahay ceeb iyo naxariis-darro, cagsigeeda waxay caandoonayaashu u arkaan arrin soo jiidasho u leh dadka ku xiran oo ay ku heli karaan daawasho iyo raadato badan!

Haweeney Shiinees ah oo tabtaas oo kale wax ku raadin jirtay ayaa falkeedii ugu dambeeyey ku ogaatay ciribxumada ficillada qaar ay ku yeelan karaan masiirkeeda baraha bulshada! Muuqaal ay soo dhigtay ayaa la arkayaa – iyada oo marka hore u muuqata qof daryeesha ama xanaaneysa yaxaas ay gafuurka ka xirtay – in yar kaddib waxaa la arkayaa iyada oo inta gowrac mariso hilibkiisa si toos ah u karsanaysa!

Tallaabtaas ay ku kacday waxay baalmaraysaa xeerka daryeelka noolaha oo u degsan Shiinaha, waxaana gabadhan oo ay barteeda ku xiran 3.5 milyan oo dadka ay wajahaysaa hubaal la’aan. Waxaana Tiktok looga fadhiyaa inuu si un uga falceliyo tallaabteedaas bahalnimada leh!

Suubanaha NNKH wuxuu in faray inaan mindiyaha ka qarinno neefka aan gowracayno si aan ugu naxariisanno. Waana ilbaxnimo uu Islaamku dunida kusoo kordhiyay taas oo noolaha siinaysa xurmo gaarsiisan nolol iyo geeriba in loo naxariisto!

Kooxaha u dooda xuquuqda noolaha ayaa si kastaba falkan ku tilmaamay mid bahalnimo oo mudan in laga ilaaliyo baraha ay dunidu ku wada xiriirto!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!