crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin muddo lix bil ku dhex noolaa mool gudihiisa oo aan la fahmin! | HimiloNetwork

Nin muddo lix bil ku dhex noolaa mool gudihiisa oo aan la fahmin!

MUQDISHO (HN) — Mool ku yaalla magaalada Shanghai ayay ilaaladiisu dhaadi waayeen nin muddo lix bilood ah ku dhex noolaa mid kamid ah jaranjarooyinka hoostooda. Saxaafadda Shiinaha ayaa tebinaya sheekada da’yarkaas oo si raaxo leh isaga dhex noolaa jaranjaro hoosteeda oo ku taalla mool kamid ah kuwa ugu waaweyn Shanghai.

Moolashu inta badan waa meelo mashquul iyo ciriiri badan, ilaaladuna qof kasta ma wada siin karaan dhugashadii loo baahnaa. Balse muddo lix bil inuu qof isaga dhex noolaado mool gudihiisa, waxay diraysaa sheeko kale!

Ninkan da’yarka ah ayaa maareeyey muddo lix bil inaan laga aqoonsan socotada caadiga ah oo uu isaga dhex jiro. Waxaa yaab leh inuu teendho yar oo uu dhex seexdo keensaday; waxaa kale oo uu sameystay kuris iyo miis uu wax ku daawado. Wuxuuna muddadaas lixda bilood ah korontada ka isticmaalayay fiilo koronto kamid ah kuwa moolka!

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya ninkan oo si degani ku jirta isaga dhex nool jaranjarada hoosteeda oo aan wax dareen ah ku jirin!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!