MUQDISHO (HN) — Maalintii koowaad oo uu shaqada soo galay ayuu xaday 53 xabbo oo iPhone-ka. Dhacdadan waxay kasoo if baxday dukaan lagu iibiyay qalabka korontada iyo moobillada ku yaalla dalka Ruushka.
Bilowgii bishan, wasaaradda arrimaha gudaha Ruushka ayaa baahisay garooc ama muuqaal yar oo muujinaya nin nadaafadda u qaabilsanaa shirkad oo boorsooyin ka buuxsanaya mobillo badan oo nuuca iPhone-ka ah oo gaaraya 53 xabbo.
Ninkan oo 44 jir ah ayaan muujineyn wax dareen ah ama cabsi uu ka qabay in la qabto ama uu xattaa ka dhuunto kaamirooyinka ku rakiban. Markii uu buuxsaday boorsada ayuu si fudud isaga baxay cabsi la’aan. Wuxuuna dukaanka kala baxay mobillo iyo lacag caddaan ah oo gaaraya 53,000 rubles ($570). Rumeyso ama diid, ficilkan wuxuu ku dhaqaaqay isla maalinkii koowaad oo lasoo shaqo-geliyay!
Booliska oo daba-galay ayaa ugu tagay gurigiisa, waxay ugu tageen dhowr xabbo oo mobilladii uu xaday kamid ah, wuxuuna sheegay inuu jidka inta uu soo socday uu qaar badan iibsaday!
You must log in to post a comment.