crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tartanka Baaskiilka Afrika. | HimiloNetwork

Tartanka Baaskiilka Afrika.

MUQDISHO (HN) — Tartanka Baaskiilka Afrika waa tartan kale oo un ka qabsooma dunida waxaase uu kaga duwan yahay nuuca baaskiil ee loo adeegsado – waana waxa ka dhigaya tartankani mid gaaroodi ah oo aynigiisa oo kale aan horay loo arag.

Balse inta aan guda-galin tartankan, aan wax kaaga sheegno waxa uu ka sameysan yahay iyo sida loo isticmaalo.

Baaskiilkan oo marka la joogo bartamaha iyo bariga Afrika la yiraahdo Chukudu wuxuu ka sameysan yahay alwaax adag iyo kushneeto bir xaleefsan ah oo la mariyay oolyo oo ku dhex jirta taayarada si loogu socdo.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa aad looga adeegsadaa. Waxaana uu ku jiraa kaalin ka badan in lagu orotamo ama tartan. Waa agab sahlaya habka nololeedka caadiga ah ee dadweynaha. Qeyb weyn ayuuna kaga jiraa nolosha dhaqandhaqaale ee bulshada oo isku dhaafsata badeecada iyo raashiinka.

Waxaana sida gaari-gacanka ama gaari dameerka ugu xoogsada muruqmaal badan oo maciishadoodu ku xiran tahay adeegsigiisa.

Claud oo ah aabe raas weyn u shaqeeya, wuxuu ahaa mid aan heysan shaqo uu reerkiisa ku masruufo. Mana aanu heysan adduun uu ku iibsado agab u sahla inuu ku xoogsado. Wuxuuse wax un ka yiqiin sida loo sameysto baaskiilka Afrika ee Chukudu. Sidaas darteed, wuxuu awooday inuu subax walba kusoo jarmaado suuqa isaga oo gaarigiisa wata.

Helidda gaariga kaliya kuma kaalmeyn inuu isaga filnaado biilka reerka, waxay sidoo kale awoodaysay heerkiisa nololeed. Madaama aanu shidaal iyo geshiin meel u dhigeyn gaariga, isticmaalkiisu wuxuu noqday wixii ugu muhiimsanaa ee noloshiisa soo mara iyo mid kamid ah hal-abuuradii lagu liibaanay ee degaankiisa ka hirgala.

Waxyaabaha uu gaarigani kaga duwan yahay baaskiilka caadiga ah, waa inuusan lahayn bareeg iyo fadhi. Mana kaaga baahna inaad badeeleyso. Waxaase xaqiiqo ah in tamar badan ay kaga baxdo riixitaanka kolka dalcadaha lala korayo iyo dabcan marka rar badan uu saaran yahay.

Kaliyana kuma eka ganacsiga iyo suuqa. Wuxuu sidoo kale qeyb muhiim ah ugu jiraa ardayda iskuullada fogfog dhiganaysa.

Pascal oo 12 jir ku jira fasalka labaad ee dugsiga hoose ah ayaana kamid ah.

Taniyo goortii uu sameystay baaskiil-gacmeedkiisa, waxaa u sahlanaatay inuu dhib yaraan ku gaaro iskuulka waqti laga rabo. Waagii hore wuxuu masaafo 12 km ayuu usoo jari jiray imaanshaha dugsiga. Wuxuuna ku dhawaaday inuu wax-barashada isaga haro.

Saddex maalin ayay ku qaadatay Pascal inuu gacantiisa ku sameysto gaariga uu saaran yahay. Kolkii si kastaba uu hubsaday inuusan ka habsaami doonin fasallada ayuu hooyadiis weydiistay inay ku celiso iskuulka si uu wax u barto.

Hadda wuxuu la nool yahay riyo iyo rejo muuqata. Wuxuu mustaqbalka ku taamayaa inuu noqdo guddoomiyaha gobalka uu ku nool yahay.

Marka aad usoo laabano tartanka, waxay qaadataa isku filnaansho, ku-dhac iyo nafhurnimo in tartanka laga mid noqdo. Sababta oo ah waxay u badan tahay in tartame walba uu isaga gacantiisa kusoo sameystay gaarigiisa – yaqaanna sida loo xejiyo ama loogu xawaareeyo hadba halka ay ku mudan tahay.

Xagaagiiba mar ayaa dadka xaafaddani isugu yimaadan tartankan; waana un bilow aan dhamaadkiisu qorneyn. Sababta oo ah waxaa laga rabaa in qof walba uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugala dego baaskiilkiisa degaandega buuraha yaryar ee ku gadaaman xaafadda. Qofkii ugu hormara joogga siman ee dhulka ee aan kala sarreynin, waa guuleystaha.

Waxaase labada bartilmaameed u dhaxeeya dhul adag oo aalaaba lagala kulmo kufid joogto ah iyo burbur soo gaara baaskiilka. Qaar bandanna waxay lasoo noqdaan iyaga oo sita baaskiilladii oo ka jabay.

Taageerayaasha ugu badan ee halkan yimaadana waa waalidiinta tartamayaasha oo farriiin dhiirrigelin iyo xamaasad leh ku abuura ilmahooda.

Balse laga yaabee in waqtigani uga dhigan yahay ammin dheeldheel iyo baratanba leh, hayeeshe, ujeedka ugu weyn ayaa ah in mustaqbalka carruurtani ay sidoo kale xarfaan ku noqdaan sida loogu xoogsado baaskiilka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!