MUQDISHO (HN) — Waxaa xirfad u ah inay magac u bixiso ilmaha dhasha. Waana shaqo dhif iyo mar la’arag ah. Waase mid ay lacag fiican ka sameynayso madaama halkii lammaane oo ay magac ugu hesho dhallaankooda ay ka qaadayso lacag dhan $30,000.
Taylor A. Humphrey, waa 33 jir ku nool New York iyo helaha Mashruuca la yiraahdo ‘Waxa ku jira Magaca Cunuga. Qaab la-talin ah ayay talo ahaan ugu siisaa waalidiinta, waxaase ka sokeysa inay ka jawaabaan su’aalo ku saabsan noloshooda. Markaas kaddib iyada oo ku qiimeynaysa natiijada uga soo baxda weydiimaha ay hordhigtay ayay u bixisaa magac dhallaankooda.
Is-diiwangelinta oo qura ayaa ka bilaabanaysa $1,500, waxaana lammaanaha lasoo hordhigaa taxane dhowr ah oo qofku ku xulanayo hadba shaqada iyo maqaamka uu bulshada ka joogo. Sida shaqooyinka iyo darajada qofnimo ay ugu kala sarreeyaan ayayna qiimaha ugu kala fog yihiin.
Mararka qaar waxaa la siinaya magac xiriir la leh shaqada lammaanaha isku dhalay ilmaha waxaana qiimo ahaan ay ku kacaysaa $10,000
Humphrey oo aan wali wax dhalin waxay hooyooyinka cusub ka caawinaysa inay u doorto magacyo la-jaanqaadi kara dhinac walba oo rabitaankooda ku saabsan oo xattaa mararka qaar ay kamid yihiin u xulidda magacyadii ab-ka-ab loogu yeeri jiray isirkooda.
Sannadkii tagay oo kaliya, waxay ka caawisay 100 carruur ah inay u bixiso magacyo. Waxaana taas usii dheer la-talin. Mid kamid ah macmiishii ay gabadhooda magaca uga bedeshay ayaa kusoo laabtay in yar kaddib markii ehelka iyo jaarka ay ku adkaatay inay si fiican ugu dhawaaqaan magaca inantooda.
Mararka qaar magac bixinta ilmuhu waxay xiriir la yeelan karaa kulankii koowaad oo lammaanuhu isku barteen. Tusaale lammaane isku bartay goob dalxiis waxay u bixisay magaca Parker maadaama ay iyaguna raadiyeen magac aan lala yeelan.
Sannadkii 2018-ka ayay ku bararugtay inay aqoon ahaan u daraaseyso magacbixinta ilmaha kahor inta aysan ugu dambeyntii go’aansanin inay ganacsi ahaan ugu shaqeysato.
Waxay aaminsan tahay in shaqadeedu kamid tahay hibooyinka iyo deeqaha Eebe bixiyo – kaalinteeduna ay lama huraan u tahay ilmaha dhalanayo oo sida ay tiri – iyada kahor dhibaato kala kulmi jiray ku dhawaaqidda magacyadooda marka loo yeerayo.
Magac walbana la iskama qaadan karo. Marba haddii magac gaar ah oo qofi horay u iibsaday uu qof kale jeclaado way adag tahay inuu helo. Magacyada cabsida muujinaya sida kuwa bahallada iyo dugaagtana kuma jiraan liiska.
Waxay aaminsan tahay in tallaabteedu ay tahay mid masiiri ah oo raadeynaysa nolosha ilmaha maanta loo bixiyo magac aad looga fikiray la iskuna raacay.
Rumeyso ama ha rumeysan, tanina ugu dambeyntii waa shaqadeeda caadiga ah oo ay maalin walba usoo kacdo inay qabato.
You must log in to post a comment.