crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sucuudiga oo 2 milyan oo Xujey ah ‘qaabilaya’ sannadkan. | HimiloNetwork

Sucuudiga oo 2 milyan oo Xujey ah ‘qaabilaya’ sannadkan.

MUQDISHO (HN) — Sucuudiga ayaa sannadkan u oggolaanaya ku dhawaad hal milyan oo Muslimiin gudaha dalkiisa iyo dunida inteeda kale ka socda inay soo gutaan acmaasha Xajka oo la filayo inuu kusoo beegmo bisha July.

Tallaabadan waxaa si diirran usoo dhaweeyey Muslimiin dunida oo dhan ku nool kaddib laba sannadood oo xiriir ah oo sidii lagu yiqiin gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada aan looga sameynin gudaha Sucuudiga – faafitaanka xanuunka Covid-19 awgiis.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa warqoraal ah oo ay soo saartay ugu yeertay Xujeyda sannadkan doonaysa inay gutaan acmaashada Xajka iyo Cumrada inay 72 kahor duullimaadkooda ay tijaabo caafimaad iyo baaritaan Covid-19 ay soo maraan.

Sannadkii 2019-kii ayaa ugu dambeysay in Muslimiintu ay si caadi ah oo aan xadidaad iyo kala qaad lahayn loo wada guto acmaasha Xajka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!