crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laba Gabdhood oo Walaalo ah oo Deeq u ururinaya Danyarta ku nool Pakistan. | HimiloNetwork

Laba Gabdhood oo Walaalo ah oo Deeq u ururinaya Danyarta ku nool Pakistan.

MUQDISHO (HN) — Waxay ogsoon yihiin kaalinta ay ku leeyihiin samafalka bisha Soonqaad. Sidaas darteed, labadan gabdhood ee Muslimiinta ah oo ku nool Birmingham, UK waxay bilaabeen ol’ole cusub oo ay ku doonayaan inay ku caawiyaan dadka danyarta ah ee ku nool dalka Pakistan iyo dhulka Hindidu gumeysato ee Kashmiir.

Waa sannadkii saddexaad oo Haziqah, oo 11 jir ah iyo Khadeejah, oo 6 jir ah ay horboodayaan Barnaamijka Yabooh Ramadaan si ay u ururiyaan lacag dhan £30,000.

Deeqda lacagta ay helaan waxaa lala gaari doonaa danyarta saboolka ah ee ku nool Pakistan iyo dhulalka gumeysiga ku jira ee Azad Jammu iyo Kashmiir.

Aabbaha labada gabdhood, Yuser Iqbal wuxuu sheegay in inamadiisu ay hadiyo jeer iska duubaan muuqaallo kookooban oo ay ugu yeeraan bulshada inay kala qeyb noqdaan gurmadka loo sameynayo walaalaha baahan ee ku nool dalkii hooyo.

Natiijooyin fiican ayaana kasoo baxay sababta oo ah waxay soo jiiteen indhaha samafalayaasha. Sannadkii hore waxay ururiyeen adduun dhan £100,000.

Mashaariicda la doonayo in deeqdan lacagta lagu maalgeliyo waxaa kamid ah xanaanada iyo dhaqashada Shinnida iyo harqaanka ama dawaarka oo la siinayo dadka danyarta ah.

Sindh waa gobalka ugu saboolsan Pakistan, waana sababta ay ku doorteen inay la gaaraan kaalmada, marka loo eego Yuser.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!