crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ciriiriga Caasimadda iyo Xilliga Afurka. | HimiloNetwork

Ciriiriga Caasimadda iyo Xilliga Afurka.

MUQDISHO (HN) — Shanta galabnimo iyo waddooyinka caasimadda. Kanina waa isgoys kamid ah isgoysyada caasimadda oo dhinacyadiisa ay iskaga yimaadaan baabuur yaryar iyo waaweyn isugu jira oo hal ujeeddo ka leh safarkooda hadda. Waana inay goor hore guryahooda tagaan si uusan qalqiil iyo dib u dhac uga gelin afurka inta ay ku jiraan safarka.

Muuqaalkani waa ammin jidadka magaalada ay isku ciriiriyaan gaadiidka dadweynaha bajaajleydu kaga jiraan safka hore.

Doonista ah in rakaab badan ay u degdegaan guryahooda si ay ugu afuraan aalaaba malahan damaanad sugan – in badan waxay ku dhammeystaan gaariga dushiisa iyaga oo wixii ay heli karaan ku af bilowda inta ay ka tagayaan guryahooda.

Haddaanu jiri lahayn ciriiri waxay aaminsan yihiin inay xilli hore la midoobi lahaayeen qoysaskooda – hayeeshe taasi ma sahlana.

Goor walba oo ay usoo banbaxaan laamiyada ayay ogaadaan inay caasimaddoodu kamid tahay kuwa ugu ciriiriga badan Afrika.

Ciriiriga ka jira Muqdisho wuxuu marwalba ahaa dhibaato joogto ah. Gudaha Bisha Soonqaadna kuma sii jirto. Waqtiga ciriiriga unbaa kasoo horumaray ammintii lagu yiqiin. Laakiin maalmuhu waa isku mid.

Dharaarwalba saxmadda waddooyinka ka taagan, waxaa kaliya la dareemaa galab gaab kasta marka goortan oo kale la gaaro. Waayo cidna ma jecla in gabbalku ugu dumo gaariga dhexdiisa ama iyaga oo kusii dhow guryahooda uu aadaanku ku yeero.

Muqdisho waxay muddaba la daalaa-dhacaysaa ciriiri aan yareyn oo ka jira waddooyinkeeda. Mana ahan la-yaab iyo sir in badan ka qarsoon bulshada in maamulka gobalka iyo dowladda dhexe aysan xil muuqda iska saarin xal-u-helideeda.

Barnaamijka Musaafur wuxuu dhowr jeer ka diyaariyay warbixinno kala duwan saxmadda iyo jaamka ba’an ee jira. Ilaa iyo haddana ma dhicin falcelin dowladeed oo looga jawaabayo mushkiladdan qaran

Bisha Ramadaan dhexdeeda oo ay ahayd in ugu yaraan shacabka loo damaanad-qaado isku socod fudud iyo ka warwarid la’aanta ciriiri badan loona hubiyo inay dhib yaraan ku tagaan guryahooda waxaa iska cad iyadana inaan dhugba loo yeelan.

Maamulka gobalka Banaadir iyo kuwa degmooyinka waxaa la gudboon inay dib u eegis la’aan ku sameeyaan habka isku socdaalka caasimadda iyo taraafikada waddooyinka oo ay shacabka ka dulqaadaan dhibaatada muuqata ee ku heysata jidadka Muqdisho.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!