crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim u dhaawacmay Badbaadinta Haweeney Xaamilo ah. | HimiloNetwork

Muslim u dhaawacmay Badbaadinta Haweeney Xaamilo ah.

MUQDISHO (HN) — Daqiiqado un kaddib markii uu suxuurtay, Hourari Benkada wuxuu usii degdegayay jarmaadda shaqadiisa. Isaga oo ku socda jid kamid ah jidadka ay rag hubeysan fureen xabado iyaga oo qarxinaya bambada nuuca qaacda.

Da’yarkan Muslimka ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Algeria-na wuxuu ka dhaawacmay jilibka xilli uu gabaad siinayay haweeney xaamilo ah oo gadaashiisa ku jirtay.

“Uuro iyo qiic ayaa isqabsaday qof walbana wuxuu usoo guranayay gadaal,” ayuu yiri. “Haweeney xaamilo ah oo kamid ahayd ayaa hortayda taagneyd waxaana isku dayay inaan caawiyo.”

Xanuunka xabbadii uga dhacday maanu isdareensiin ilaa goor dambe oo dhiiladu dantay.

Booliska ayaa si kastaba xiray  Frank James, oo 62 jir ah, kaas oo shaqaaqadii dhacday abuuray.

Falkan argagaxa leh waxaa ku dhaawacmay 29 qofood oo 10 kamid ah si toos ah loogu dhiftay in kasta oo xaalad halis ah midna aanu ka qaadan xabadihii ku dhacay.

Bekanda oo ka shaqeeya hoteel wuxuu sheegay in xabaddu ay dhinaca kale uga dustay jilibka. Waxaa la filayaa inay qaadato toddobaadyo kahor inta aanu mar kale awoodin inuu dib isugu taago lugihiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!