crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Da’yarta Uursamida ku calool-fiyow. | HimiloNetwork

La kulan – Da’yarta Uursamida ku calool-fiyow.

MUQDISHO (HN) — Markii ugu horreysay waxaan la fariisanay da’yar ku jirta wax-barashada jamacadda kuwaas oo hadda kahor aan codbaahiyaha kasii deynin farriin UURSAMO ah.

Mohamed Cusmaan iyo Abdullahi Xasan Xaashi  weligood kuma qaadan muddo dheer inay adeegsadaan awoodda wax cafinta – waxayna hadiyo jeer u ahayd astaan ay kaga hortagaan is-naceybka iyo kala tagga.

“Wallaahi maba aqaan sabab aan qof ugu calool xumaado,” ayuu yiri. “Dar Ilaahay wax ka weyn oo qof la iskaga cafiyo uma jeedo.”

Abdullahi ayaana intaas kusii daray: “Dadku qofkii raali iga noqo yiraahda waxay u heystaan nin jilcan, fuley ah laakiin xaqiiqdu sidaas ma ahan,” ayuu yiri. “Geesi unbaa awoodda cafis lagu warsado dadka iska leh.”

Hayeeshe in kale sida Sahal Qaasim uma sahlneyn inuu qof kasta cafis u fidiyo maanta kahor. Taariikh aanu marnaba hilmaami Karin ayuu la kulmay isaga oo yar taas oo  kahor istaagtay inuu wax cafiyo.

“Innaga oo maalin aan soo daahin ayuu macalinkaygii igaraacay; gadaal markii uu ka ogaadayna waa iiga garaabay,” ayuu yiri. “Waase liqi waayay cudurdaarkaas. Laakiin maadaama uu macalinkaygii ahaa oo maanta heerka aan joogo qeyb libaax leh ku leh waa qasab inaan cafiyo.”

Ma ahayn wax ku adag maanta iyo marwalba in Shuceyb Abdullahi uu wax-cafinta u arko lama huraan hadiyo jeer loo baahan yahay.

“Xikmad baaba malaha ku jirta ilowshiyaha,” ayuu yiri Shuceyb. “Waayo aniga uurka kumaba heysan karo cuqdad – anigoo iska cafiyay qofka ayaan arkaa.”

Dumarka iyo wax cafintuna waxay ahayd mowduuc aanu aad uga doodnay. Sidratul Muntaha waxay sheegtay inay qaadan karo go’aan adag iyo geesinimo inaad qof raali geliso. Cafintuna ay kamid tahay nolol maalmeedka caadiga ah.

“Haddii aan xadiiskaas uu Suubanaha NNKH ku bogaadinayo kuwa walaalahooda Muslimiinta ah iska cafiya aan u fiirsanno, waxaan fahmaynaa in naceybku uusan boos ku lahayn bulshada dhexdeeda,” ayay tiri.

Khuluud Ahmed Cali ayaa isdultaagtay qiso xigaaleed ah oo iyada oo aad u yar ku dhacday. Balse ay hadda qof ahaan aaminsan tahay inaan laga maarmi Karin in la isku cafiyo gefafka laka galo.

“Eedaday ayaa hadda kahor aniga oo aan cunugteeda waxba ka haleyn igu nabtay waana ka xumaaday,” ayay tiri. “Balse maanta waxaan diyaar u ahay inaan cafiyo qof walba.”

Adeegsiga awoodda wax cafintu waxay ina dhigaysa barta xornimada iyo niyadsamida. Waana farriinta ay da’yartani maanta halkan nagula wadaageen.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!