crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 110

Wararka

Gaajadu waa Col!!

Qalinkii; Zakariya Hassan. Innagu waynu gaajoonna; hase ahaatee, waynu ognahay waqtiga aynu wax cuni karno. Balse iyagu way gaajoodaan; hayeeshe, ma oga waqtiga ay wax cuni doonaan!! Waynu nasiib badannahay. Waxaynu heli karnaa wax ka badan waxaynu u baahannahay. Waxaa jira waxaabo badan oo indhaheenu qabtaan maalin kasta; in yar ayaase qalbigeenna ku dhacda oo mahadho ku reebta!! Hayeeshe, bal ...

Read More »

Dhibanaha aan dhuuman karin ee Hindiya!!

Waxay intaas ku dartay in ol’oluhu keenay koror dhal-dhedigood aan loo baahneyn oo kusoo shubmay xarumaha agoomaha, hayeeshe waxay tani ku tilmaantay fal-celin quman oo ay ula jeeday inay kasoo hayeemeen “in la uur-xabaalo oo ay ku soo hayaameen in la iska xooro. Hindiya oo ah dal diin ahaan aaminsan Hinduism-ka oo ah diin loogu magac-daray webiga Indus, ayaa 70% ...

Read More »

Dhibanaha aan dhuuman karin ee Hindiya!!

New Delhi (Himilonews) —Tiiyoo dastuurka Hindiya uu meel-adag ka joogo in waalidku tijaabo galiyo uur-jiiftiisa suu u go’aansado nuuca dhallaan ee aan wali dhalan, dhal-doorsiga ilma-ridista ah wuxuu wali fal-guud oo la hirgaliyo ka yahay qeybaha Hindiya oo dhan taas oo dhalisay isku dheelli-tir la’aan u dhaxeysa gabdhaha ku wiilasha. “Waxaad heli kartaa 2,000 oo dhal-gabdho ah oo uurka jiifta ...

Read More »

Munaasabad Cawbaar lagu xusay!!

Muqdisho (Himilonew) – Cawbaar dhimashada ayuu qaabilay. Wax walba oo dhimashada doorta suu u noqdo wax qiima leh, qiimahaas ayuu la harayaa. Cidna kama qaadan karto qiimahaas. Cawbaar wuu ogaa inuu mar un iilanayo. Tani waa hoga-tusaale dhiiri-galineed oo inooga imaanaysa aqoon-yahannada ku nool xaafadda magaca Cawbaar ku caan-baxday ee agagaaraha Maxamuud Xarbi, kadib kulan dib-isu-xusuusineed ay ku qaateen isla ...

Read More »

Aramadii Cawbaarka oo wali taagan!!

waxaa soo sawiray Zakariya Hassan, Muqdisho (Himilonews) – Indhaha reer Wardhiigleey gaar ahaan Laanta Saddexaad ee degmada, waxaa wali ka socda baroordiiq loo sameynayo geeridii xaraarugga laheyd ee ku timid Geedkeennii Cawbaarka. Dadka xaafaddani ku noolaa muddaba waxay sii wadaan inay ka sheekeeyaan wax-qabadkii iyo qiimhihii uu lahaa geedka Cawbaar oo dorraad galab heegada soo sagootiyay kadib markii uu shullaha ka ...

Read More »

Warshaddii Balcad ee webi Shabeelle

Balcad (Himilonews) – Warshaddii Dharka ee Balcad waxay ku taallaa degmadii Taytayleey ee ah joogadeenna Balcad. Warshadda waxaa la aas’aasay sanadii 1966-kii. Waxay sameyn jirtay kaaki Maraykan ah, Bafto, Marbuuciyo dhar kale oo midabyo qurxoon leh oo kala duduwan. Warshadda waxaa ka shaqeyn jiray boqollaal qof oo shaqaale ah iyo farsamayaqaanno Soomaali ah oo aqoon u leh sida dharka loo ...

Read More »

Daawo Sawirrada; Geedkii Cawbaarka oo dhintay!!

sawirada halkan ka daawo; Muqdisho (Himilonews) – Kadib qarni iyo dheeraad oo uu qumaati u taagnaa; hoy iyo hirashana usoo ahaa duusha iyo dadkaba, shalay casir-gaabadkii ayuu dhulka kusoo dhacay. Gaari carra-gadis ah ayaa dhaawac ka gaarsiiyay jiridda hoose kahor casir-gaabadkaas intii uu ugu danbeyn heegada soo macsalaameyn. Sida uu u geeriyooday waa arrin yaab badan. Xittaa isaga laftiisa ayaa ...

Read More »

Wax ka baro Hindiya!

–Hindiya waa wadanka labaad ee ugu wax soo saarka badan BARIISKA marka laga yimaado Shiinaha. –Ku dhawaad 65,000 oo caruur ah ayaa lagu dhalaa gudaha Hindiya maalin kasta. –intii u dhaxeysay 1970 iyo 1980, dadyowga Hindiya waxay kor u kaceen 14% sanad kasta tobankaas sano dhexdooda taas oo ka dhigtay 140,000,000. –Hindiya waa wadanka koobaad ee ugu filim soo saarista ...

Read More »

Wax ka baro Hindiya!

–Hindiya waa wadanka labaad ee ugu dadka badan dunida marka laga yimaado Shiinaha. –Hindu waa diinta badi dadka Hindiya aaminsan yihiin. 80% dadka Hindiya waa majuusiyiin Hinduu ah. –Islaamka ku nool Hindiya waxaa lagu sheegaa ku dhawaad 2,000000 oo malyuun taas oo ka dhigan in Muslimiinta ku nool dunida uu yahay wadanka saddexaad ee ugu tira badan marka laga yimaado ...

Read More »

Sheekada ku dahsoon Kashmiir!

Kashmiir—Sheekada aan la xusin ee Qarqarsiga Gumeysi ee Hindiya. Maalmo kahor inta aan u kicitimin Hindiya, Wariyaha Maraykanka ah ee David Barsamian, waxaa laga soo suldaaray New Delhi kadib kormeerkiisii Kashmiir. Haddii wax ka werinta Kashmiir la iska soo suldaarayo, halis ayaan ku sugnaa! Maalintaydii koobaad ee Srinagar, kormeere hoosaad oo waaxda madax ka ah ayaa I dareensiiyay inuu imaanshahayga ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!