crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada ku dahsoon Kashmiir! | HimiloNetwork

Sheekada ku dahsoon Kashmiir!

Kashmiir—Sheekada aan la xusin ee Qarqarsiga Gumeysi ee Hindiya.
Maalmo kahor inta aan u kicitimin Hindiya, Wariyaha Maraykanka ah ee David Barsamian, waxaa laga soo suldaaray New Delhi kadib kormeerkiisii Kashmiir. Haddii wax ka werinta Kashmiir la iska soo suldaarayo, halis ayaan ku sugnaa!
Maalintaydii koobaad ee Srinagar, kormeere hoosaad oo waaxda madax ka ah ayaa I dareensiiyay inuu imaanshahayga la socday. Waxay tani igu dhalisay dhugasho gaar ah. Waxaan ku arooray ujjeedadeeda; waxaan ahaa mid la eegto. Halisteyda!! Qalin iyo xaashi aan ku dabaalayo sheekada ku dahsoon Kashmiir.
Shibanaanta Kashmiirta Hindiya haysato waxay ku beylahan tahay dooxada, sida dhir faalalaysana waxay isku weegaartay Buuraha Himilaya. Waxaa ka muuqda waji cusub halganka gobannimo-u-dirirka iyo madax-banaanida Kashmiir ee boqolka sano kusii socda.
Saahil, oo 12 jir ah, wuu laxawsaday kolkan su’aalay waxa rajadiisa Kashmiir ay tahay. “Waxaan ku warwarayaa Kashmiir oo xor ah”. Saahil aabihiis waxaa la waayay 2002. Sagaal sano in-ku-dhow oo isaga iyo hooyadiis baadi-goobayeen aabihiis, kaliya maqnaanshihiisu wuxuu maanta u noqday lajooggooda. Dharaar kasta iskuulka kadib, Saahil guriga ayuu ku soo noqdaa si uu hooyadii u kaaliyo—geddislaynta dharka si uu lacag uga sameeyo.
Hal-adaygnimada socota ee dadweynaha iyo kacdoonka aan rabshadaha wadan ee gobanimo doonka, wali waa mid ku kobcaya Kashmiir. Waxay ku kala qeybsantaa laftigeeda kacdoonada hubeysan ee bilowgii 90—kii, hadana doonistu wali waa isku mid; ka xorowga qarqarsiga Hindiya—madax-banaanida Kashmiir. Tiiyoo maleeshiyaad ku dhow kaliya 500-700 ay dowladda Hindiya ku qiyaasto inay ka joogaan goobta, Kashmiir waxay ku hartay goob-militaareedka “Zoone Militare” ugu faraarsan ee dhulka ku taalla. Waxaa jira 700,000 oo ciidamo military Hindiya ah oo ku sugan Kashmiir kuwaas oo gaaf-meera dadyow 12.5 malyuun ah.
Kala qeybintii Ingiriisku ku kala furfuray bar-qaareedka Hindiya sanadii 1947, Kashmiir waxay si isu-talis ah ugu biirtay Hindiya. In-kooban kadib, Kashmiir waxay ku raaxeysatay isu-talisnimo, go’aan goosasho iyo hoggaamin barax-tiran. Kashmiir dunida waxay ku tusmeysay dhul is-baddal kacaaneed ah, hir-galinta ilo dheef leh oo faafsan taas oo abuurtay dadyow—dal iyo dadba isku dheelli-tiran oo dhaqaalo ku fadhiya. Tani miyay ahayd cabsidii ay Hindiya ka baqatay in Kashmiir haldoor u noqoto dhul-weynaheeda? 
Isha: Himilonews.com
 Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!