Tilmaanta la siiyo wax walba oo ishu ay u bogto ayaa loogu yeeraa qurux. Iyada oo laga eegayo dhinacyada qaab-dhismeedka, dheeha iyo il-qabadnimada guud sida dhulka, noolaha iyo manoolayaasha, quruxdu waa magac balaaran oo kulmiya wax walba dadku majeersadaan habsamideeda; milicsadaan jamaadkeeda—mohashadaan helideeda.
Hayeeshe, qeexidan kaliya inagama kaafinayso macnaha quruxda lagu sheego. Waxaa jira qeexidyo tira badan oo quruxda lagu sifeeyo. Tan iyo bilowgii Aadanaha, quruxdu waxay laheyd milgo gaar ah. Mudnaanta ay Eebe ugu fadhido wanaajinta abuurkiisa ka sokow, quruxdu waxay ma-dhaafaan lagu hirto u ahayd isla makhluuqiisa garaadiga ah. Waa mid la kowsatay uunkii Aadmiga. Waana mid lasii waaraysa Aadmiga inta uu ifka baaqiga ku yahay. Quruxdu, waxay asalba u ahaydba, sida aan oran karno, sababihii ifkaba la inoo keenay.
Bal ila qeex Quruxda…
Inkasta oo milgadaas lagu tusmo quruxda, dad badan isku si uguma dhadhanto wixii qurux lagu qeexi lahaa. Waa nin iyo aragtidiis. Sida col dareen ku dhacay oo kale ayaa loogu kala yaacaa fahamkeeda. Ninba siduu u arko ayuu is-moodsiiyaa. Tani guntii waxay quruxda ka dhigtay maayado hirar ah inay dul sabbeyso—oo aysan helin baroosin ay xeebta ugu soo hirato—si dhab ahaanteeda loo garsooro.
qebtii koobaad;
waxaa qoray Zakariya Hassan.
You must log in to post a comment.