MUQDISHO (HN) – Sushi Toro, oo ah makhaayad ku taalla magaalada Gelves ee gobolka Seville, ayaa si weyn loo hadal hayaa kadib markii ay go’aansatay inay lacag dheeraad ah ka qaaddo macaamiisha haddii ay ku matagaan gudaha makhaayadda sababo la xiriira inay cunto aad u badan cuneen.
Sida la sheegay, makhaayaddu waxay bilihii la soo dhaafay la kulantay dhacdooyin badan oo matag ama hunqaaco ah oo ka dhashay cunitaanka xad-dhaaf ah, taas oo ku qasabtay maamulka inay tallaabo qaadaan.
“Haddii macmiilku matagayo sababtoo ah wuxuu cunay cunto aad u badan, makhaayaddu waxay xaq u leedahay inay ka qaaddo lacag dheeraad ah si loogu daboolo khasaaraha ka dhasha arrintaas,” ayaa lagu qoray boorar lagu dhejiyay gudaha Sushi Toro.
Maamulka makhaayadda ayaa sharxay in kororka dhacdooyinka mataggu uu saameyn ku yeeshay macaamiisha kale, adeegga, maamulka iyo nadaafadda goobta. Sidaas darteed, waxay sheegeen inaanay haysan doorasho kale oo aan ahayn inay hirgeliyaan ganaaxan si loo yareeyo cunitaanka xad-dhaafka ah.
“Waxaan si adag uga shaqaynaa inaan dalabaadka waqtigooda ku bixino isla markaana aan ilaalino nadaafad heer sare ah,” ayay maamulka Sushi Toro sheegeen. “Sidaas darteed waxaan codsanaynaa iskaashi, maadaama arrintani sidoo kale saameyn ku yeelanayso macaamiisha kale ee makhaayadda wax ka cunaya.”
Lama shaacin lacagta saxda ah ee laga qaadayo macaamiisha haddii ay matagaan. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha buffet-ka (cunto furan oo aad inta aad rabto ka cuni karto) ee makhaayaddu wuxuu u dhexeeyaa €16.90 ilaa €23.90, iyada oo qiimuhu ku xiran yahay maalinta toddobaadka iyo waqtiga la tago.
Go’aankan cusub ayaa dhalisay dood badan, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay u arkaan hab macquul ah oo lagu ilaalinayo nadaafadda iyo raaxada macaamiisha kale, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen tallaabo adag oo aan caadi ahayn.