Abuurka iyo Baxaalliga Libaaxa

Muqdisho – Bahal dugaag weyn oo xoog badan oo jooga Afrikada hodanka ah iyo meelo Aasiya kamid ah. Wuxuu leeyahay midab cawl ah iyo dabo bul eh. Kiisa labka ahna wuxuu qaarka hore ku yeeshaa dhogor dheer oo fara badan iyo shaash duf ah; wuxuu cunaa oo uu ku nool yahay dadka iyo duunyadaba.
Libaaxu waa hal-doorka dugaagta ku nool keymaha. Dhiiranaanta qotada dheer iyo dhugsanaanta hal-adaygnimada leh ayaa ka dhigtay hal-qabsi geesinimo inuu ku sifoobo. Taasina ay sababtay in erey-bixinta geesinimo ee afkeenna Soomaaliga ah uu magaciisu ka mid noqday; geesi, halyey—aar.
Hadaba, libaaxa kiisa labka ah waxaa la yiraahdaa Aar. Midda dhedigga ahna waxaa la yiraahdaa Gool ama Baran-barqo. Dhasha yar-yar ee Libaaxa waxaa iyagana loo yaqaan Caga-baruur.
Xiriirka colaadda ku dhisan ee uu la wadaagay reer guuraaga Soomaalida iyo dhiillada aan gaboobin ayaa mahadhooyin wax-galeed iyo digtooniba ku reebtay qalbiyada reer guuraaga Soomaalida. Dareen-qabkaas garmaamada ku dhisan ayaa ugu danbeyntii sabab u naqday saameyn nololeed oo fac-ka-fac lagu waano iyo tusaale qaato.
Xigasho–buugga Duurjoogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!