crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Xaramka oo la ballaarinayo | HimiloNetwork

Masjidka Xaramka oo la ballaarinayo

Makkah, Saudi Arabia (Himilonews)—intii uu ku guda-jiray booqashadiisa masjidka weyn ee Xaramka, boqorka laba shariif—Makkah iyo Madiina—Boqor Salmaan ayaa la kulmay saraakiisha ku howshoon fidinta iyo balaarinta Masjidka kuwaas oo sheegay in hal-qaadka Masjidka uu gaari doono heer uu himlin karo tirada Muslimiin dhan 1.85 malyuun mar qura dhamaadka wajiga saddexaad.
War-qoraal ah oo kasoo baxay wakaalada wararka Sucuudiga,Wasiirka dhaqanka iyo war-faafinta Adel Al-Turaifi ayaa lagu sheegay in shaqada fidinta iyo ballaarinta ay ku baahin doonto goobta Masjidka iyo sidoo kale wareegga uu ku fadhiyo Kacbada barakaysan 1.47 malyuun oo wareeg ah.
Bara-baxa lagu daray wuxuu ku kordhin doonaa hal-fadhiga Masjidka inuu qaado in-ku-dhow 1.85 malyuun oo Muslimiin Alla caabudaysa.
Af-meerista wajiga saddexaad iyo kan ugu danbeeya ee ballaarinta Masjidka, Matafku wuxuu qaabili doonaa in-ku-dhow 107,000 oo dawaafayaal ah saacaddiiba.
Warmurtiyeedka ayaa la sameeyey mar uu Boqor Salmaan shir-guddoon ka ahaa kal-fadhiga toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada ku yeesheen Qasriga Al-Salaam, Isniintii, June 1.
Maalin kahor, Boqorka Sacuudiga ayaa ayaa dhaqay Kacbada taas oo kamid ah dhaqan-sanadeed kahor bilowgii bisha barakaysan ee Ramadan.
Howshan socota ayaa ah ballaarintii abid ugu weyneyd ee lagu sameeyo Masjidka Xaramka.
Xeydaabinta 75000 mitir wareeg ah, ballaarinta waxaa ku jiri doona sal-dhig adeegyo isku dhafan, hab-jaal-deegaaneed neecaw ah, fuustooyin biyeed, bullaacado, hab-nadaafadeed dhex-roorto ah iyo 12,500 oo musqullo ah.
Gu’yaalihii dhawaa ee tagay, dowladda Sucuudiga waxay horyaalisay mashaariic dhowr ah oo lagu ballaarin iyo horumarinayo Makkah si loogu sahlo Xujeyda inay si fudud ku gutaan acmaashooda.
Bishii Nov. 2009, Riyaad waxay dhamaysay Kaab shan-meertaleey ah oo Jamaraat loogu tala-galay si loo hubsado in Xujeydu aanay ku ciriiryoon kolka ay soconayaan.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!