crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Islaam-nace isku badalay Islaam-sharfe!! | HimiloNetwork

Islaam-nace isku badalay Islaam-sharfe!!

Muqdisho (Himilonews) – Kolkii Jason Legar uu banbixii Jimacaha ee Islaam-naceybka ahaa uu aaday afaafka hore ee Masjidka Phoenix, maanu filanayn inuu kasoo tagi doono isaga oo qof kale ah—aragti kale oo cusubna ka haysta diinta uu aadka u necbaa.
“Tix-gelin la’aanta loo hayo Bulshada Islaamka, ogaanshaha waxa aan hadda ogahay, waayo waan la hadlay oo aan la sheekeystay—mana fali karo mar kale—sababta oo ah ma doonayo inaan galabsado ama aan dhibaateeyo dadkan” ayuu u sheegay Fox News.
In ku-dhow 200 oo mootooleey hubeysan ayaa isugu soo ururay bankii Jimcaha si ay u xaadiraan sawir-ku-turxaamaynta Nabigeenna Muxumed banaanka hore Islamic Community Centre ee Phoenix taas oo uu soo abaabulay Jon Ritzheimer oo ah dagaal huriyihii Ciraaq.
Horraantii bishan, laba nin oo hubeysan ayaa waxaa toogtey ciidanka Bilayska kadib kol ay weerarayeen isla dhacdo lagu sawir-ku-turxaamaynayay Nabigeenna gudaha Garland, Texas.
Intii lagu guda-jiray banbixii jimcaha, Legar, oo halkaas kula sugnaa Adeerkiis, ayaa xirnaa garba-gashi lagu mariimay midabyo lagu dhigay Islaam naceyb.
Helidda fursad uu kula hadlo koox Muslimiin ah oo ku tukaneysay gudaha Masjidka, waxay ugu yeereen inuu soo galo Masjidka.
“Kolkii aan qaatay ilbiriqsiyo aan kula hadlo kulana fadhiistay—si qoto dheerna aan u dhageystay—daawadayna hal-salaadeedkooda; waa wax qurux badan; way iiga jawaabeen qaar kamid ah su’aalihii aan watay” ayuu yiri.
Legar iyo adeerkiis waxaa lagu marti-qaaday inay kol labaad kusoo laaban karaan wixii weydiima ah oo maankooda xulaya.
“Ma ahan inaynu ka helno wax walba oo xurriyatul-qowl ah oo dunida ka jira, hayeeshe waa inaynu dhacdada aragnaa. Waa inaynu dadka u oggolaannaa xirashada wixii ay rabaan—dhahaan wixii ay doonaan” ayuu yiri Leger.
“Waxaan dareemayaa in aniga iyo dad dhif-dhif ah sida adeerkay Paul iyo dadka Muslimiinta ah ay qaataan waqti ay ku wada hadlaan. Hubaalna waxaan u dareemayaa in kala maankayagii uu hal maan isku rogay anaga iyo Muslimiinta”.
Isha: Himilinews.com
Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!