Fadliga ku jira bisha Shacbaan!!
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
June 4, 2015
3,018 Views
Muqdisho (Himilonews) – Qof kasta oo Muslim ah waa la garowsan yahay in bisha Shacbaan tahay bil xurmeysan. Bisha Shacbaan waa bil qiima leh. Waxay u dhaxeysaa bilaha Rajab iyo Soon-qaad. Sidaas darteed, waxaa laynagu tirtirsiiyaa inaynu dhexdeeda la nimaadno samafallo suu-suuban.
Hadaba, Himilonews.com, wuxuu idin soo gudbinayaa falalka suu-suuban ee aadka loo amaanay inta lagu guda-jiro Bisha Shacbaan;
-
Soomanaanta bishaan dhexdeeda aad baa loo amaanay gaar ahaan nus bilowga hore ee Shacbaan. Si kastaba, waa inaynu joojinaa soomidda mar alle markii uu Soon-qaad dhalan rabo. Tani waxay baajisaa inay labadooda aanay isku dheehmin.
-
Aqrinta Qur’aanka waa dow kale oo qaayihiisa iska leh. Qaar kamid ah Salaf-kii hore waxay bishan u yaqaaneen bishii Qeybinta Qur’aanka.
-
Joogteynta iyo ku howshoodka xuska Eebe ayaa ah mid sidoo kale aad looga jecel yahay Eebe agtiisa.
-
Waa inaynu qaadanaa waqti hagaagsan oo aan ugu diyaar garowno bisha barakaysan ee Ramadaan oo aan baranaa sida looga dheefsado.
-
Ugu danbeyn, waa inaynu Alle ka cabsiga ugu dadaalnaa sidii dadkii wanaagsanaa uga yaabi jireen Alle kuwaas oo ku duceysan jiray “Eebow; noogu naxariiso bilaha Rajab iyo Shacbaan dheeraadkooda oo na gaarsii bisha Soon-qaad.”
waxaa qoray; Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-06-04
You must log in to post a comment.