Baydhabo Mise Barisamo!!
Posted by: Zakariya
in Sahanka
June 4, 2015
1,085 Views
Baydhaba (Himilonews) – Beydhabo waa madal qurux badan. Magaalo mug iyo milga leh. Mid kamida marqaatiyada tibaaxa barwaaqada dihan ee Dalka. Meel lagu barto hodantooyada dalnimo iyo dadnimo. Australia, waa magaca lagu naanayso. Qabowga, dhirta cagaaran, ilaha biyaha, sagal gulaama, hogal biya la ciirciirta iyo waqal roobaad oo xilli kasta hoora ayaa Beydhaba siisay magaca Australiya, Geyi aarana.
Kasokow wuxuu Eebe ku galladay oo baraare ah, Baydhabo waa magaalo xiisaheeda leh. Afafka; Maay iyo Maxaa tiri oo looga hadlo iyo bu’da Juquraafiyeed oo ay kaga taallo dalka ayaa Baydhaba siisay macno gaar ah. Dhaqan suuban oo ku daba-karan Diinteena Islaamka, hido dhaqan qiro wayn, caado iyo xeer aloosan, hablo cas cas, inamo geyfanayaal ah, Gudoon xeer-beegti ah iyo kalsami leh wada noolaansho iyo dulqaad ayaa ah waxa ay Baydhabo ku gooni tahay. Taasna qof yimaada mooyee, qofka kale loogama sheekayn karo.
Barisamaadkii, Baydhabo waxay ahayd guri iyo gole dalxiis. Hibooyinka Eebe ku manaystay ayaana u sababtay. Ilbaxnimada reer magaalnimo ee xeesha dheer ayaana sidoo kale ka qaadatay kaalin muhiim ah guryasamida Baydhabo. Dhismayaal gaamuray, dad galti-baxay, dagan isku darsaday dhir gahayr iyo hoobaan ah. Magoolka iyo fufka geedaha oo sii cosobsanaya tiiyoo dhaayuhu aanay ka daalayn daawashada qurxoon ee abuurka iyo foofka duunyada oo ay indhuhu ku dhaaya-tiirsadaan.
Isha Baydhabo, Galcada Maanya-fuulka iyo geedaha halgeriga oo kale isku lamaan saday quruxda iyo dhirirka oo isku weegaaray gudgalka Baydhabo oo ah halka lagasoo galo. Baxarsaaf, waa magaca lagu suntay geedahan. Kasokow quruxdiisa, waxaa kale oo uu leeyahay waxtar badan. Isagoo tusmo u noqday hal-qabsiga Hal-abuurada Soomaaliyeed markay sifaynayaan bilcida Baydhabo. Iyagoo gundhig ilaa gunaanadba ku ebya tuducyada mirahooda. Hal abuurada hoga-tusaalayn kadib, sifayn kula dhaqaaqay guudka Baydhaba, mid kamida heesahooda waa heesta Baydhaba Ma-gaadhnaa oo uu alifay misana qaaday fanaankii Cumar Dhuule Cali oo socdaal uu mar ku tagay kaga golaaday inuu wax ka yidhaahdo magaalada. Heesta Isha Baydhabo oo uu ku luuqeeyo Xassan Aadan Samatar ayaa iyana kamida. Miraha heesta Isha Baydhabo waxaa kamida;
Bardihii ku yiil Isha Baydhabo,
Intuu gun iyo baar baxay,
Caleemuhu balaadheen,
Baxar-saaf la moodyeey.
Lasoco qeybta labaad
Ceyduruus Maxamuud Iiman.
Related
2015-06-04
You must log in to post a comment.