Muqdisho (Himilonews) – Indhaha reer Wardhiigleey gaar ahaan Laanta Saddexaad ee degmada, waxaa wali ka socda baroordiiq loo sameynayo geeridii xaraarugga laheyd ee ku timid Geedkeennii Cawbaarka.
Dadka xaafaddani ku noolaa muddaba waxay sii wadaan inay ka sheekeeyaan wax-qabadkii iyo qiimhihii uu lahaa geedka Cawbaar oo dorraad galab heegada soo sagootiyay kadib markii uu shullaha ka jabay.
Garabeey wuxuu kamid yahay dadka muddaba deris la ahaa geedka Cawbaar illaa uu dorraad ugu danbeyn soo dhacay. “Wuxuu ahaa geed qiima weyn agtanada ku leh. Geeridiisuna waa lama filaan. Maanu jeclayn inuu sidaas sahalka ah nagu dhaafo,” ayuu yiri Garabeey oo ku sinnaan 1964—xaafaddan isaga oo yar ku ciyaari jiray iyada oo duud iyo howd ah.
Wuxuu sheegay in Cawbaar uu raad-raac iyo hiraalba u ahaa dhamaan dadka ku nool hareeraha laanta uu degmada kaga yaallo ee Zoone Maxamud Xarbi. Wuxuu Cawbaar ku sheegay inuu ahaa wehel sidata wehelkeeda; muhiimna u ahaa noloshooda. Jaadadka shinbira ah iyo noocyada qaar cayayaanka ee uu hoyga u ahaa ayuu ku tilmaamay inay la noqdeen deris ay wadaagaan wax aan ka ahayn daqarro inkasta oo uu si adag u tibaaxay inay dheeshooda iyaga bilowgii hore uga dhigneyd dhib hayeeshe gunaanadkii ay dhab ahaan u garwaaqsadeen inay la’aantood wax badan aysan ka barteen noolaha iyo hab-dhaqankooda.
“Bal eeg siduu madowgu oogadiisa ugu dul rarmay. Waanu hadleyne waxaa jira wax badan oo hadduu tiraabto xcilkas-daro nagu ridi karta.”
Kaliya ma ahan dadka hadda ku nool xaafadani kuwa ay mahadhadani ku gaar noqotay. Waxaa jira daganaal hore oo hadda qurbaha ku nool oo dareen naxdin leh ka qaaday maqalka dhimasheed ee geedka Cawbaar.
Cabdiwali Cali Bardacad, wuxuu kamid ahaa dadka xaafadni ku noolaa tan iyo yaraantiisi. Wuxuu si gaar ah Cawbaar ku sheegay inuu ahaa aha taallo xusuuseed oo lamid ah Dhagax-tuur iyo Daljirka Dahsoon. Wuxuu si gooni ah isugu nabay in Cawbaar uu noloshiisa ku lahaa abaal madaama uu goobtiisii ganacsi ee ugu horreysay ugu magac-daray, “Abaal raaga rag baa laga helaaye, waa inaynu ku abaal-marinaya Cawbaar inaanay raadkiisu tirmin,” ayuu ku tala-bixiyay Cabdiwali Bardacad oo markii uu mareegta Himilonews.com ka arkay warbixintan aramida leh dhanbaal tacsi ah hawada u mariyay dadka xaafadda iyo dhamaan wixii uu wax-gal usoo ahaa Cawbaar.
“Geeduhu waxay nimca ku kordhiyaan nolosheenna. Naruuradoodana waxaa ku jira wax walba oo ay ishanadu u bogto uurkuna ku dago. Waa inaynu ogaanno waxa geedka Cawbaar noogu deeqay oo aan rogaalkeeda isna ugu deeqnaa sidii aan u badbaadin lahayn raadkiisa.”
Cawbaar oo in-ka-badan qarni, sida la tibaaxo, soo jireen ahaa ayaa kowdii Luulyo iishay kadib kolkii uu gaari carra-gadis ah gunta-hoose nabar kala helay taas oo sababtay inuu dhulka kusoo dhaco.
Halkan hadaba ka daawo sawiradda muujinaya sidii uu u jabay iyo xarumo ganacsi oo uu saldhig u ahaa kuwaas oo qaarkood raadkiisu wali ka dul muuqdo iyo wadooyinka Cawbaar soo gala;
You must log in to post a comment.