crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cunsuriyaddu ma idlaanayso ayuu yiri Robert Mugabe!! | HimiloNetwork

Cunsuriyaddu ma idlaanayso ayuu yiri Robert Mugabe!!

falsafadda xun ee dadka midab-midab u kala soocda; marna halbeegga dhaqaale iyo dhaladnimo kolka ay wax ku qiimeyso, dadka gun iyo gob u kala saarta ee asal-takoorka la yiraahdo “Racism”, waxay dunida ka dhalisay halganno badan oo xaq-u-dirir ah una dhaxeeya kuwa gobka sheegta iyo kuwa ay gumeysan jireen.

Nelson Mandela oo sanadii 1918–kii ku dhashay gobolka Transkie ee Koofur Afrika, wuxuu kamid ahaa dadkii u ol’oleyn jiray xuquuqda dadka madow ee Afrikada koofureed iyo joojinta midab-takoorkii ka jiray dalkaasi ilaa uu guntii ku guuleystay inuu soo afmeero. Dr. Martin Luther, oo ahaa aqoon yahan madow-Maraykan ah, qudbad uu kaga taamayay inuu maalin un naawilayo in wiil madow ahi Maraykanka hoggaamin doono ayaa qarnigan 21–aad dhabowday.

loolanka iyo guulguulka liideed ee dadku ku kala sarreyn sheegtaan ma ahan mid joogsan doona marka dib aynu u fiirsano khudbad uu jeediyay madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe.

Mugabe ayaa sheegay inaysan asal-takoornimadu idlaaneyn inta ay jiraan arrimo uu ku sheegay inay sii xoojinayaan cunsuriyadda oo dunida maanta muhiim u ah.

La soco qeybta xigta.

waxaa qoray Zakariya Hassan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!