HomeLa-yaabkaCunsuriyaddu idlaan meyso ayuu yiri Robert Mugabe!!

Cunsuriyaddu idlaan meyso ayuu yiri Robert Mugabe!!

Robert Mugabe oo ka hadlayay cunsuriyadda ka jirta dunida ayaa yiri;
–Cunsuriyaddu ma dhamaanayso inta baabuurta cadcadi ay leeyihiin sheegag mad-madow.
–Cunsuriyaddu ma dhamaanayso inta dharka cadcad dhaqmada loo hormariyo kuwa mad-madowna loo danbeysiiyo.
“–Cunsuriyaddu ma dhamaanayso inta midanka madow ka dhigan yahay ayaan-daro, halka caddaanku uu ka dhigan yahay nabad-galyo.
–Cunsuriyaddu ma dhamaanayso intay aroosyada u xiranayno dhar cadcad; tacsiyada iyo tiiraanyadana dhar mad-madow.
–Cunsuriyaddu ma dhamaanayso inta gaboodfalayaasha “danbiilayaal” lagu darayo liiska madow.”
–“Laakiin” ayuu sii raaciyay hadalkiisa,
“Intaas oo dhan waxba igama galin inta aan musqusha ama suulioga u isticmaalayo maryo cad cad “Mandiil” si aan u tirtirto dabadayda madow”.
Hadaba, aqriste, kawaran hadalka Muganbe, maxaa ka run ah? sidee ayuu hadalkiisa kuula dhadhamayaa?!
Noogu reeb fariintaada boggeenna Facebook ee Himilonews
Waxaa qoray Zakariya Hassan.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments