Balcad (Himilonews) – Warshaddii Dharka ee Balcad waxay ku taallaa degmadii Taytayleey ee ah joogadeenna Balcad. Warshadda waxaa la aas’aasay sanadii 1966-kii. Waxay sameyn jirtay kaaki Maraykan ah, Bafto, Marbuuciyo dhar kale oo midabyo qurxoon leh oo kala duduwan. Warshadda waxaa ka shaqeyn jiray boqollaal qof oo shaqaale ah iyo farsamayaqaanno Soomaali ah oo aqoon u leh sida dharka loo sameeyo. Warshaddii dharka waxay wax ka tartay dhibaatadii dadka Soomaaliyeed ka haysatay shaqo la’aanta.
Warshaddii Dharka waxay ku taallaa Webi Shabeelle agtiisa; shaqaalaheeduna meel u dhow ayuu dagan yahay. Cudbiga dalkeenna ka bixi jiray oo dhan ayaa la geyn jiray warshadda iyada oo ka iibsan jirtay beeraleyda. Cudbiga marka la feero kadib ayaa la miiqaa.
21—Oktoobar markuu Kacaanku dhashay kadib, waxyaalo badan ayaa iska badalay warshadda. Kacaanku wuxuu kor u qaaday nolosha shaqaalaha iyo warshaddaba maamulkeeda. Warshadda dharka waxaa lagu tiring jiray warshadihii ugu waaweynaa dalka Soomaaliya. Wixii kasoo baxa warshadda waxaa lagu isticmaali jiray gudaha dalka. Reer miyigeenuna wuxuu dharka ka qaadan jiray warshadda.
1971—kii ayay hadaba warshaddu soo saartay lix milyan oo yaardi oo dhar ah. Warshaddu waxay ka qeyb-gashay horukaca dalkeenna. Waxay dharka u dirtaa Wakaaladaha gacansiga ee dowladda. Wakaaladuhuna waxay dharka warshaddu soo saarto u diri jirtay degmooyinka iyo gobollada dalka.
Dowladdii Kacaanka waxay ku tala-jirtay inay sii wanaajiso oo la sii cusboonaysiiyo howlaha warshadda si ay u fududaato in warshaddu ay dalka oo dhan xagga marashada uga arrad bixiso dadkeeda loogana kaaftoomo baahiyaha dibadeed.
1991-kii ayay hadaba warshaddu howl-gab noqotay kadib galista dagaallada Sokeeye. Warshaddu waxay dalka wadaagtay ba’ ku yimid dal iyo dad. Waxayse ku badbaaday gacmo wadaniyiin Soomaaliyeed oo guntiga u duubtay inaysan faraha ummada Soomaaliyeed ka bixin.
Hadda waxaa kol dhow lagu tala-jiraa in shaqada warshadda dib loo agaasimo. U sheeg Himilonews.com sida ay kula tahay in loo anba-qaadi karo howlihii warshadda. Nala wadaag aragtitaada ku aadan sida uu dareenkaagu noqon lahaa hadaad huwan lahayd dhar lagu sameeyay warshadda dharka ee dalkaada hooyo.
Halkan ka daawo howlihii warshadda dharka ee Balcad.
You must log in to post a comment.