crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sida loo noqdo VIP maalinta Qiyaamaha!! | HimiloNetwork

Sida loo noqdo VIP maalinta Qiyaamaha!!

Muqdisho – Ereyga VIP waa weer Ingiriisi ah taas oo ah “Very Important Person” oo la micno ah “Qof aad iyo aad Muhiim u ah.”
Dunida maanta. heerka ugu sarreeya ee qofku nolosha inuu ka gaaro jecel yahay waa inuu meel sare wax walba ka joogaa. VIP-nimadu waa mudnaan dadku ay kala dheereystaan iyo madhaafaan aan dhanna looga bareeri karin.
Hadaba, Himilonews.com, waxay idin soo gudbinaysaa sida Maalinta Qiyaame loo noqdo Qof aad iyo aad muhiim u ah.
Sida laga soo wariyay Suubanaha NNKH, wuxuu sheegay in Toddobo ay maalinta Qiyaamaha harsan doonaan harka Eebe dharaar aysan jirin har aan ahayn harka Eebe,
Toddobadaas waxaa kamid ah;
1. Imaan garsoor badan.
2. Gaban dhalin yar oo ku barbaaray cibaadada Eebe.
3. Qof qalbigiisu uu had iyo jeer Masjidka ku xiran yahay.
4. Laba qofood oo dar Eebe isku jeclaaday dar Eebana ku kala tagay.
5. Qof isaga oo kali ku sugan Eebe xusuustay oo ay indhihiisu ooyeen.
6. Qof sadaqada ay midigtiisu bixisay aanay ogaan bidixdiisu.
7. Nin ay u timid gashaanti qurux badan oo ay naftiisa ka dalbatay deedna ku yiri; “anigu Eebe ayaa ka cabsanayaa.”
Ilaahay ha inaga yeelo kuwa VIP-da ah maalinta qiyaamaha.
Aameen yaa Rabbi.
Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!