crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Angela Markael oo Afurka lawadaagaysa Muslimiinta Jarmalka. | HimiloNetwork

Angela Markael oo Afurka lawadaagaysa Muslimiinta Jarmalka.

Muqdisho (Himilonews) – Xaadirista afurkeedii ugu horreeyey sida madax Jarmaleed, Angela Markel waxay ku sheegtay Islaamka isda  “qeyb kamid ah Jarmalka,” tiiyoo wali Islaam  naceybku uu wali kusii kobcayo Qaaradda Yurub.
“Way iska cadahay in Islaamku uu yahay qeyb kamid ah Jarmalka” ayay ku tiri baanisaheedii afurka oo lagu qabtay Villa borsin oo ah aqalka martida ee wasaaradda Arimaha Dibadda, talaadadi dhawayd.
Markel ayaa la siiyay khudbad ay afur kula wadaagtay lakabyada ugu sarreeya Musliminnta ku nool Jarmalka  oo uu ku jiray wasiirka Is-dhexgalka Aydan Ozuguz.
Afurka waxaa soo xaadiray golaha Muslimiinta Jarmalka, ururo diimeed Christian ah iyo kuwa badan.
Marka loo eego af-hayeenka Dowladda Jarmalka Steffen, afurkani wuxuu noqon doonaa dhacdo sanadeed la qaban doono sanadaha xiga.
Iyada oo sii hadlaysa Angela Markeal waxay sheegtay in Muslimiintu ay Bishan barakaysani ay naftooda galiyaan carbis ay ku hufayaan ruuxdooda. waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqday in Muslimiinta Jarmalka ay yihiin Wadaniyiin u hoggaansama shuruucda wadankooda.
“Naceybka, takoorista iyo xaqjirnimadu boos kuma lahan Jarmalka. waxaynu nahay dal kku qotoma dimuqraadiyada, dulqaad iyo duni u furnaansho.”
Jarmalka ayaa la rumaysan yahay inuu hoy u yahay in ku dhow 4 malyuun oo Muslimiin ah. Inkasta oo ay jiraan naceyb iyo diin-takooris lagu yahay Muslimiinta Yurub, hadana Jarmalka ayaa kamid ah meelaha uu sida mahiigaanka ah Islaamku ugu da’ay.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!