crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Daawo Sawirrada; Geedkii Cawbaarka oo dhintay!! | HimiloNetwork

Daawo Sawirrada; Geedkii Cawbaarka oo dhintay!!

sawirada halkan ka daawo;
20150701_171303
20150701_161533BeautyPlus_20150701162323_fast20150701_171253
Muqdisho (Himilonews) – Kadib qarni iyo dheeraad oo uu qumaati u taagnaa; hoy iyo hirashana usoo ahaa duusha iyo dadkaba, shalay casir-gaabadkii ayuu dhulka kusoo dhacay. Gaari carra-gadis ah ayaa dhaawac ka gaarsiiyay jiridda hoose kahor casir-gaabadkaas intii uu ugu danbeyn heegada soo macsalaameyn.
Sida uu u geeriyooday waa arrin yaab badan. Xittaa isaga laftiisa ayaa laga dheehan karay inuu muddaba la tacaalayay howl-gabnimo iyo arrad la’aan. Intuu uusan shalay dhulka kusoo dhicin, toddobaad kahor sawir aan ka qaadnay ayuu ku muujinayay inuu dareemayo wehel la’aan iyo inaan loo leelleel-tirin sidii waayeellada. Xaq iyo xurmo uu mudnaana wali tabanayo.
Geedka aan ka hadlayo waa Cawbaar oo dad badani maankooda magacyada ay maqlaan ka majeersadaan. Maxamed Fiyoore oo ah dagane kamid ah deegaanka magaciisa qaatay ee agagaaraha Dugsiga Maxamuud Xarbi, wuu laxawsaday kolkii uu eegmo dabacsan naxariis kula dul-maray. “Waan ka xumahay wixii kugu dhacay” ayuu kula dul-baroortay.
Cawbaarka oo ah magaca geedka marxuumka ah ee shalay ifka ka dhoofay, sheekadiisu kama duwana hal-doorrada marka ay dhoofaan dib loo tabo wax-qabadkooda. Wuxuu hoy iyo bar-ku-taallo usoo ahaa shinbiro iyo nafley badan. Marka si kale oo dhigana, wuxuu ahaa madhaafaan lagu soo hirto oo magaciisa meel walba oo Wardhiigleey kamid ah ku shaacay.
Codadka bulxama iyo kuwa qalbiga xadanteeya ee ay ku heesi jireen Shinbirihii uu hoyga u ahaa iyo muuqaalkii cagaarnaa ee jeedaalinta dheer kolka la dhugto deymadu usoo hiloobi jirtay ayaa la iishay. Inkasta oo sanado kahor shinbirihii ay ka hayaameen, in-dhawaalana uu cidla ciirsi ahaa, hadana, inuu ahaa geesi garab go’ay iyo xusuus-dhige la gocan doono, shaki kumasii jirto. Waxaase hubaal ah in raadkiisu uu xaaqmay oo uu ku darsamay kuwa wali iyaga oo abaalkii ay lahaayeen aan loo gudin iska dhintay.
Intii hadaba lagu guda-jiray dhacdadii shalay, dadweyne isugu soo baxay goobta uu ku naf baxay ayaa isku bogaadiyay inuuCawbaar ahaa mid taariikhdooda nololeed xusuus dheer kaga tagay.
“Kolkay geeduhu dhintaan, noloshuna way dhibtootaa. Deegaanka iyo dadka waxa mideeya waa dhirta ee aynu xanaaneyno,” ayuu yiri mid kamid ah duqowda dagan xaafadda uu Geedkani ka dhintay.
“Ma ahan inaynu dhirta ka yeelano sidii aynu ka rabno ee waa inaynu u xanaaneynaa sida nafteenna iyo deegaanku ay rabaan. Cawbaar dhimashadiisu waa sida laf-dhabar ka jabtay bulshadeenna ku heybsata magaciisa. Waa inayu deegaanka si guud u dhowrannaa gaar ahaan qiimaynta duunyada iyo dhirteenna.”
Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka xaalufka ba’ani ku haya deegaankooda. Mana jirto ol’ole ballaaran oo bulshada lagu barayo qiimaha noolayaasha iyo xurmeynta deegaanka. Waana waxa ugu mudan oo ay Soomaalidu kaga bixi karto makasnimada ka haysata xanaaneynta deegaankeeda.
Waase bar-kuma-taal aanay bulshadu garan doonin qiimaha geeduhu u leeyihiin naftooda iyo faya-qabkooda, inta aanay jirin is-xil-qaanto u istaaga ka hortagga gaboodfallada lagula kaco geedaheenna. Halka geedo uu Cawbaarku kamid yahayna ay waligood dhibanayaal u noqon doonaan falalka ay dhigaan arxan-laawaha Deegaanka.
Waxaa qoray; Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!