crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 6

Dunida Muslimka

Feeryahannada Mexico oo qaadatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Feeryahannada miisaanka culus ee u dhalatay dalka Mexico, Amber Leibrock ayaa qaadatay diinta Islaamka – iyada oo tilmaantay inay heshay farxad iyo liibaan aysan weligeed horay u helin. Sida ay kusoo warramayso Khaleej Times, 35-jirtan ayaa Muslim-nimadeeda ku sheegtay baraheeda bulshada waxayna si qoto dheer uga hadashay sida Islaamku nolosheeda u beddeshay. “Bilihii lasoo dhaafay oo dhan waxaan ...

Read More »

Australia – Jameeco Masaajid oo la barayo gargaarka degdegga.

MUQDISHO (HN) — Marka la joogo xaaladaha degdegga ah, 90% samafalayaasha usoo baxa inay gurmad iyo gargaar degdegga ah bixiyaan waa dad iska caadi ah. Qof kastana wuxuu noqon kara halyay kaalintaas buuxiya. Waxaa kaliya kugu filan inaad qaadato tababbarada la xiriira gargaarka degdegga ah. Iyada oo taas laga duulayo, dhaqaatiirta Muslimiinta Australia ayaa siinaya tabbarro la xiriira gargaarka degdegga ...

Read More »

Kaniisad loo beddelayo Masjid si Muslimiintu ugu cibaadeystaan!

MUQDISHO (HN) — Kaniisad beylahday oo aan wax shaqo ah lagu qaban taniyo sannadkii 2020 ayaa la filayaa in laga dhigo Masjid lagu tukado salaadaha iyo isu-tagga bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Bratford. Taniyo sanadkii 1870 ayay soo jirtay kaniisaddan waxaana iibsaday golaha bulshada Muslimiinta ee degmada, waxaana qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga dhigo masjid, sida ...

Read More »

Gurigii Samafalaha ‘ee ka badbaaday’ Fatahaaddii Liibiya ka dhacday!

MUQDISHO (HN) — Fatahaadihii ba’naa ee ka dhacay gobalka Derna, dalka Libya, waxay ka tageen burbur baaxaddaas la’eg, balse hal guri ayaa ku dhex badbaaday bartanka musiibooyinkaas. Wuxuu soo jiitay indhaha caalamka – isaga oo qabsaday hadalheynta dunida. Dhammaan guryihii jaarka la ahaa oo dhami waxay ku dhamaadeen oogada dhulka, waxaana uu keligiis ka dhex taagan yahay kax bannaan isaga ...

Read More »

Aadaanka oo laga ‘oggolaaday’ New York.

MUQDISHO (HN) — Muslimiinta New York waxay hadda kaddib fasax u heystaan inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadda Jimcaha inta lagu jiro bisha Soonqaad, waxaana go’aankaas ku dhawaaqay duqa magaalada, Eric Adams. Iyada oo la raacayo sharciga loo ansixiyay, Masaajidu uma baahan doonaan idan marwalba oo ay rabaan inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadda Jimcaha. Duqa magaalada ayaa war qoraal ...

Read More »

“Muslimiinta iyo Islaamku waxay kamid yihiin Jarmalka.” — Madaxweynaha Jarmalka.

MUQDISHO (HN) — Naceybka iyo jirxumeyska ka dhanka ah Muslimiinta Yurub waxay joogtaa heerkii ugu sarreeyey. Farriin loo arkay inay waqtigeeda ku timid taas oo dhambaal togan u sida ayuu yiri madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier. Steinmeier ayaa sheegay in ilbaxnimada, kala duwanaanshaha iyo dhaqanka bulshada Muslimiinta iyo diinta Islaamka inay ka qeyb yihiin dalnimada Jarmalka. Wuxuuna muwaadiniinta ugu yeeray inay ...

Read More »

Xiddiga Jarmalka oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Cayaaryahanka Jarmalka u dhashay ee Robert Bauer ayaa qaatay Islaamka – isaga oo bartiisa Instagram-ka ku muujiyay. Gaashaankan xulka qaranka Jarmalka u cayaara, naadiga Al-Tai FC ee ka dhisan Sucuudiga. Wuxuu bartiisa soo dhigay sawir uu salaadda dukanayo. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in qaadashadiisa diinta Islaamka ay kaalin weyn ka qaateen xaaskiisa iyo xigtadiisa, sida ay kusoo ...

Read More »

Zheng He – Juqraafiyaqaankii Muslimka ahaa ee soo helay Latin Amerika!

MUQDISHO (HN) — Dhammaanteen waxaynu naqaan sahmiyayaasha Galbeedka sida; Marco Polo, Ferdinand Magellan, Vasco da Gama, Columbus iyo kuwo kale oo badan. Waana inta ugu badan ee taariikhdu si ka badbadis ah loogu sheegay! Laguuma sheegin dadkii ka horreeyey ee dhulmareennadii Muslimiinta ahaa kuwaas oo ilbaxnimada dunida iyo xadaaraddeeda bud-dhig u ahaa sida Ibn Battuta, Ibn Majid, Shamsuddin Abu Abdullah ...

Read More »

Muslim ‘naftii-hure ah’ oo badbaadiyay nolosha 17 qof oo cunug yar ku jiro!

MUQDISHO (HN) — Murugo ka timid musiibo daran ayay noqon lahayd, laakiin mahad Eebbe ka sokow, da’yar Muslim ah ayaa ku guuleystay inuu kasoo badbaadiyo 17 qofood oo uu ku jiro dhallaan yar gudaha guri dab qabsaday. Izzeddin Hamdi, oo foorno ku lahaa aagga ku dhow guriga uu dabku qabsaday ayaa halhaleel ku galay guriga isaga oo maareeyey inuu karaankiisa ...

Read More »

Mashruuca Jikada oo Muslimiinta Maraykanka ka quudinayaan Danyarta.

MUQDISHO (HN) — Samafalayaal Muslimiin ah ayaa isaga yimid inay cunnooyin bisil la gaaraan ku dhawaad 3000 oo qof kuwaas oo ku kala nool magaalooyin ay kamid tahay Albany. Waa qeyb kamid ah mashruuca jikada ka quudi oo ah dhacdo sannadle ah oo ay ka faa’iidayaan danyar badan. Waxaa kale oo bartilmaameedku yahay dadka hoy la’aanta ah – dibjirta ama darbi-jiifta. ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!