MUQDISHO (HN) — Feeryahannada miisaanka culus ee u dhalatay dalka Mexico, Amber Leibrock ayaa qaadatay diinta Islaamka – iyada oo tilmaantay inay heshay farxad iyo liibaan aysan weligeed horay u helin.
Sida ay kusoo warramayso Khaleej Times, 35-jirtan ayaa Muslim-nimadeeda ku sheegtay baraheeda bulshada waxayna si qoto dheer uga hadashay sida Islaamku nolosheeda u beddeshay.
“Bilihii lasoo dhaafay oo dhan waxaan qaadanayay xaalad ii horseeday inaan dareemo xasilooni,” ayay tiri.
Waxay u mahadcelisay ehel iyo saaxiibo oo gacan ka geystay inay Islaamka qaadato.
Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka.
You must log in to post a comment.