MUQDISHO (HN) — Marka la joogo xaaladaha degdegga ah, 90% samafalayaasha usoo baxa inay gurmad iyo gargaar degdegga ah bixiyaan waa dad iska caadi ah. Qof kastana wuxuu noqon kara halyay kaalintaas buuxiya. Waxaa kaliya kugu filan inaad qaadato tababbarada la xiriira gargaarka degdegga ah.
Iyada oo taas laga duulayo, dhaqaatiirta Muslimiinta Australia ayaa siinaya tabbarro la xiriira gargaarka degdegga ah jamaacada ku xiran qaar kamid ah masaajidda kuwaas oo hadda kaddib awoodi doona inay sameeyaan gargaarka degdegga ah.
Dadka ka faa’iidaya tababbarka ayaa la bari doonnaa sida qofka looga saaro waxyaabaha ku istaaga dhuuntiisa, sida loo sameeyo CPR loona adeegsado qalabka cadaadiyayaasha wadnaha marka uu garaaca yareeyo. Mana ahan dadka waaweyn oo kaliya kuwa ka faa’iidaya tababbarka.
In kasta oo ay iska kooban tahay dhacdooyinka halista leh ee gargaarka degdegga ah la xiriira ee ka dhaca masaajidda, haddana waa muhiim in jameecada la siiyo aqoon ku filan oo gudaha iyo dibadda masjidkaba ay ugu diyaarsanaan karaan fidinta gargaarka degdegga ah.
You must log in to post a comment.