MUQDISHO (HN) — Kaniisad beylahday oo aan wax shaqo ah lagu qaban taniyo sannadkii 2020 ayaa la filayaa in laga dhigo Masjid lagu tukado salaadaha iyo isu-tagga bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Bratford.
Taniyo sanadkii 1870 ayay soo jirtay kaniisaddan waxaana iibsaday golaha bulshada Muslimiinta ee degmada, waxaana qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga dhigo masjid, sida ay kusoo warrantay Asian Image.
Adduun dhan £125,000 ayuu ku kacay iibka Kaniisaddan. Masjidka waxay halbowlayaasha dhiiga u qaada wadnaha u yihiin Muslimiinta, waxayna qabtaan shaqooyinka bulshada Muslimka ah ay maalinle ugu baahan yihiin sida salaadaha.
You must log in to post a comment.